Kenya oo ka Digtay Burcadda Afduubka ka Geysata Dalkeeda

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Xilli mudooyinkan danbe ay kusoo badanayeen dalka Kenya falalka afduubka ah ee loo geysanayo dadka ajaanibta ah ee dalxiiska u yimaada Jaziiradaha ku yaal Dalka Kenya, ayay dowladdu sheegtay in loo baahanyahay in tallaabo deg deg ah laga qaado burcadda falalka afduubka ah ka geysata dalka.

Wasiirka Dalxiiska Dowladda Kenya Najiib Balaala oo Maanta la hadlayay warfidiyeenada ayaa sheegay in dowladda Kenya ay sumcad darro weyn u keeneyso afduubka ay geysanayaan kooxaha burcadda ah ee kasoo tallaaba xadka Soomaaliya,  waxaana uu ugu baaqay dowladda in ay ka hortagto falalka qalqalka ku abuurayo ammaanka dalka ee ay ku kacaan burcad uu sheegay in ay kayimaadaan dhanka xadka Soomaaliya.

"Afduubka loo geysanayo dadka ajaanibta ah ee dalka u yimid dalxiiska, waxa ay dhaawac weyn ugeysanayaa waaxda dalxiiska ee dalka," ayuu yiri Mr. Balala

Wasiirka ayaa sheegay in loo baahanyahay in dowladda ay tallaabo adag ka qaado kooxahan falalka afduubka ka geysana gudaha dalka Kenya,

Hadalkan kasoo yeeray wasiirka dalxiiska dalka Kenya ayaa kusoo beegmaya xilli haweeney u dhalatay dalka Farance isbuucan gudihiisa laga afduubtay Jaziirad ku taal dalka Kenya, haweeneydaasi oo ragii afduubtay ay ula baxsadeen dhanka xeebta gobolka J/hoose, waxaana afduubkaasi lagu eedeynayaa in ay ka danbeeyeen xoogaga xarakada Alshabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya

More News