Haween Soomaaliyeed oo maanta Maxkamad lagu soo taagyo gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) — Laba haween Soomaaliyeed ah ayaa maanta hor-tegi doona maxkamadda gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka, kaddib markii lagu eedeeyay inay dhaqaale ku taageereen Xarakada Al-shabaab oo labadiisa sano ee ugu dambeeyay dagaallo kula jirtay DKMG Soomaaliya iyo ciidamada taageera ee AMISOM.

Makamadeynta Aamina Faarax Cali oo 35-jir ah iyo Xaawo Maxamed Xasan oo 64-jir ah ayaa waxay billaabanaysaa maanta oo Isniin ah, iyadoo haweenkan ay horay u sheegeen inaysan wax lug ah ku lahayn dacwooyinka loo haysto.

Dacwad-oogayaasha ayaa sheegaya in haweenkan ay lacago ka ururin jireen dadka Soomaailyeed ee ku nool gobolka Minnesota ee dalka Maerykanka, taasoo ay ku sheegi jireen inay tahay mid lagu caawinayo dad dhibaateysan, balse ay u diri jireen Xarakada Al-shabaab si ay ugu dagaalanto.

Baarayaasha dacwadooda ayaa waxay sheegeen in labadan haween oo daggan magaalada Rochester ee gobolka Minnesota ay lacagta ku ururin jireen iyagoo u garaacaya guryaha ay Soomaalidu daggan tahay albaab-albaab, mararka qaarna ku ururin jiray lacagta wada-sheekeysi dhinaca taleefoonnada ah.

"Haweenkan waxay sheegi jireen in lacagta ay sadaqo tahay laguna caawinayo dad dhibaateysan, balse taas badalkeeda ay u diri jireen Al-shabaab si jihaadku u sii socdo," ayay dacwad-oogayaashu sheegeen.

Aamina iyo Xaawa ayaa waxaa markii ugu horreysay la eedeeyay bishii July 2010, iyadoo laga joojiyay inay safraan sidoo kalena lala socday dhaqdhaqaaqooda, balse haweenkan waxay gaashaanka ku dhufteen inay ku lug leeyihiin dacwadaha loo haysto.

Haweenkan Soomaliyeed ayaa waxay ka mid yihiin 20-qof oo ku nool Minnesota, kuwaasoo loo haysto inay lacago iyo rag dagaalama ku caawiyeen Xarakada Al-shabaab. Balse Al-shabaab ayaan ka hadlin in haweenkan ay xiriir la leeyihiin iyo in kale.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News