
Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) —Hay’adda gargaar oo laga leeyahay dalka Turkiga laguna magacaabo Kimse Yok Mu ayaa waxay Muqdisho ka furtay xarun lagu quudiyo dadka barakacayaasha ah, iyadoo sidoo kale kaamkaas lagu bari doono dadka barakacayaasha ah xirfado ay ku shaqeystaan.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in dadka iyo dowladda Turkiga ay gacan u fidisay shacabka Soomaaliyeed, xilli ay jiraan dhibaatooyin dhinaca nolosha ah, isagoo sheegay in kaalmadaas ay ka duwan tahay midda ay ka helaan dalalka kale ee caalamka.
“Shacabka iyo dowladda Turkiga waxay halkan (Soomaaliya) u yimaadeen sidii ay noo caawin lahaayeen. Gargaarka ay noo fidiyeenna waa mid ka duwan midka aan dalalka kale ka helnay. Uma joogaan inay shacabka Soomaaliyeed siiyaan raashin oo oo keliya, balse waxay u joogaan dib u dhiska Soomaaliya,” ayuu yiri Sheekh Shariif.
Dhanka kale, Orah Erdogan oo ah madaxa hay’adda Kimse Yok Mu ee Afrika oo ah hay’adda furtay xaruntan quudinta iyo tababarka barakacyaaasha Soomaaliyeed ayaa isaguna sheegay in kaamka ay fureen uu yahay mid lagu quudinayo shacabka Soomaaliyeed.
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif ayaa dhanka kale, booqday xarunta hay’adda bisha cas ee dalka Turkiga ayaa sheegay in hay’adda bisha Cas ee Turkiga ay ku sugnayd Muqdisho muddo laba bilood ah, isagoo sheegay in kaalmooyinka ay bixiyaan ay yihiin kuwo qiimo badan.
Ugu dambeyn, Sheekh Shariif wuxuu sheegay in hay’adaha Turkiga ay Muqdisho ka sameeyaan wax walba oo ay ku doonayaan inay ku caawiyaan shacabka Soomaaliyeed, wuxuuna xusay in taasi ay ku timid in caalamku uu indho gaar ah ku eego Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya