ADMIRAL FAARAX QARE: “Shirkii Seychelles waxaa naloogu soo bandhigay inaan saxiixno in la xadeeyo badda Soomaaliya, innaguna waan diidnay”

Isniin, Oktoobar 03, 2011 (HOL) —Taliyaha ciidamada badda Soomaaliya, Admiral Faarax Axmed Cumar (Faarax Qare) oo maanta ka qaybgalay kulankii xildhibaannada baarlamaanku ay kaga doodayeen xadeynta badda Soomaaliya ayaa sheegay in intii ay ku sugnaayeen shirkii ka dhacay jasiiradda Seychelles loosoo bandhigay heshiis lagu xadeynayo badda Soomaaliya, isagoo xusay in heshiiskaas ay ku gacansayreen.

Xildhibaanadii kulankii maanta xaadiray oo gaarayay 300 xubnood ayaa waxay si aad ah uga doodeen qorshaha la doonayo in lagu xadeeyo badda Soomaaliya, waxaana ka hadlay kulanka xubno ka tirsanaa xukuumadihii hore iyo guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay diideen in Kenya ay kala hadlaan badda Soomaaliya.

“Bishii hore 17-keeda innagoo ku sugan dalka Seychelles oo looga hadlayay burcadbadeedda ayaa waxaa naloogu soo bandhigay qorshe dhigayay in xadka badda Soomaaliya la yareeyo lagana dhigo 12-mayl. Waxaana goobta ka sheegnay in xadka biyaha Soomaaliya ay u aqoonsan yihiin inay tahay 350-mayl,” ayuu yiri Admiral Faarax Qare.

Taliyuhu wuxuu sheegay in heshiiska loosoo bandhigay intii uusan Seychelles tegin, isagoo xildhibaannada baarlamaanka ka codsaday inay dadaaal u galaan sidii ay u badbaadin lahaayeen ugana hortegi lahaayeen qorshayaasha lagu xadeynayo biyaha Soomaaliya.

“Shir kasta oo dunida ka dhaca waxaa la keenaa qorshaha la doonayo in lagu xadeeyo biyaha dalka Soomaaliya. Waana in taas laga hortago,” ayuu Admiral Faarax Qare ka horsheegay xubnihii baarlamaanka Soomaaliya.

Wasiirka kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Soomaaliya, C/raxmaan Sheekh Ibraahim oo shalay su’aalo lagu weydiiyay kulankii baarlamaanka ee looga hadlayay xadeynta badda Soomaaliya ayaa sheegay in shirkii ay uga qaybgaleen jasiiradda Seychelles uu ahaa mid looga hadlay burcadbadeedda oo aan lagu soo qaadin xadeynta biyaha dalka Soomaaliya.

Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka Soomaaliya, Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay intii uu hayay xilka ay dowladda Kenya ka codsatay in laga hadlo sidii lagu xadeyn lahaa biyaha dalka Soomaaliya isaguna uu diiday.

“Wixii xilligaas ka dambeeyay Kenya kama seexan arrintaas oo ay mar kale soo cusboonaysiisay sidii lagu xaddeyn lahaa biyaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay in loo baahan yahay in laga hortago arrintaas,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Wasiirkii macdanta iyo biyaha xukuumaddii Cumar C/rashiid oo isaguna ka hadlay kulankiii maanta ay xildhibaannadu Muqdisho ku yeesheen ayaa ka sheegay in heshiiskii is-fahamka badaha ee Kenya iyo Soomaaliya uu u dhacay si khalad ah, wuxuuna intaas ku daray inuu hayo warar hoose oo sheegaya in Kenya ay doonayso inay iyadu la baxdo shidaalka ku jira badda Soomaaliya, ayna diyaarinayso khariidad ay doonayso inay ku xalaashato badda Koonfureed ee Soomaaliy.

Inta badan mudanaayaasha baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay soo jeediyeen in qorshaha lagu doonayo in lagu xadeeyo biyaha Soomaaliya gaashaanka lagu dhuftay, iyagoo sheegay in go’aan cad laga gaaro qorshahan soo cusboonaaday.

Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya ayaa horay u diiday heshiiskii is-fahamka ahaa ee dhexmaray xukuumaddii Cumar C/rashiid ee DKMG ah iyo xukuumadda Kenya, iyadoo xusay in Kenya ay weerar ku tahay badda Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya

More News