Kulanka maanta ayaa waxay xildhibaannad diiradda ku saarayaan soo ifbaxa arrinta ku saabsan xadeynta badda Soomaaliya oo horay baarlamaanku uu gaashaanka ugu dhuftay, kaddib markii la sheegay in isfahamka xuduudda badda ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya uu yahay mid lagu doonayo in lagula wareego qayb ka mid ah badda Soomaaliya oo uu kheyraad ku jiro.
Xildhibaannadii shalay kulanka ka hadlay ayaa waxaa ka mid ah C/raxmaan C/shakuur Warsame oo isagu saxiixay isfahamka dhinaca badda ee Kenya iyo Soomaaliya dhexmaray xilligii ay jirtay xukuumaddii Cumar C/rashiid isagoo sheegay in lagu qasbay inuu saxiixo heshiiskaas.
"Fursad uma helin inaan baarlamaanka ka hor sheego in heshiiskaas uu ahaa mid aniga la igu qasbay inaan saxiixo, xilligaas oo aan ahaa wasiirkii qorsheynta iyo xiriirka caalamiga ah ee Soomaaliya," ayuu yiri C/raxmaan C/shakuur oo sheegay in qorshuhu ahaa in badda Soomaaliya qayb ka mid ah ay la wareegto dowladda Kenya.
Mudane C/raxmaan wuxuu sheegay in saxiixa heshiiskaas ay wax ka ogaayeen ra'iisul wasaarihii xilligaas Cumar C/rashiid iyo madaxweyne Sheekh Shariif, inkastoo aysan jirin wax hadallo ah oo weli kasoo baxay labadan mas'uul oo arrintan ku saabsan.
Xildhibaannada baarlamaanka ayaa waxay isku raacsan yihiin in qorshana cusub laga hortago, iyagoo sheegay inaysan raalli ka noqonayn in badda Soomaaliya qayb ka mid ah la bixiyo, iyagoo aad uga carooday sababta Road-Map-ka loogu daray arrinta badda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya