Maxaabiis uu cafis u fidiyay Madaxweynaha Soomaaliya oo Maanta laga sii-daayay Xabsiga dhexe ee Muqdisho

Isniin, November 21, 2011 (HOL) − Xabsiga dhexe ee Muqdisho ayaa maanta laga sii-daayay maxaabiis ka mid ahaa 74 maxaabiis oo uu madaxewynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed cafis u fidiyay shalay, kuwaasoo uu ka mid ahaa guddoomiyihii degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble.

Wasiir ku xigeenka wasaaradda cadaaladda, garsoorka iyo arirmaha diinta DKMG ah. Axmed Cabadullaahi Xuseen (Fanax) ayaa wariyeyaasha u sheegay in maanta ay kasii daynayaan xabsiga dhexe ee Muqdisho 69-maxbuus, isagoo sheegay in inta ka harsanna ay dhawaan sii-dayn doonaan.

"Inagoo dhaqan-gelinayna wareegto uu madaxweynaha Soomaaliya soo saaray lixdii bishan oo cafis uu ugu fidiyay 74 maxbuus ayaan waxaan sii-daynaynaa 69 ka mid ah, innagoo inta kalena sii dayn doonna maalmaha soo socda," ayuu yiri Axmed Fanax.

Wasiirku ku xigeenku wuxuu sheegay in 64 maxbuus oo ka mid ah kuwa ay maanta ay sii-daayeen ay xukuntay maxkamadda madaniga ah, halka shanta kalena ay xukuntay maxkamadda ciidamada.

Maxaabiista maanta laga sii-daayay xabsiga dhexe ee Muqdsiho ayaa waxaa ka mid ahaa guddoomiyihii degmada Kaaraan C/llaahi Maxamed Rooble oo ay maxkamadda ciidamada dowladda KMG ah ku xukuntay toddobaadyo ka hor xabsi 10-sano ah,

"Xabsiga muddo ayaan ku jirnay, wax war ahna kama hayno xaaladda, balse waan uga mahadcelinaynaa cafiska uu madaxweynuhu noo fidiyay," ayuu yiri mid ka mid ah maxaabiista maanta laga sii-daayay xasbiga Muqdisho oo sheegay in la xiray kaddib markii la qabtay isagoo magaalada maraya qori.

Inta badan maxaabiista laga sii-daayay xabsiga dhexe ayaa waxaa jiyadooda ka muuqday inay ku faraxsan yihiin in xabsiga ay ka baxaan muddo kaddib, waxaana qaar maxaabiista ka mid ah ay sheegeen inay muddo sannad ka badan ku jireen xabsiga dhexe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya