Isniin, November 21, 2011 (HOL) − Ugu yaraan afar qof oo dhinacyadii dagaalamay ka tirsan ayaa ku dhintay iskahorimaad kooban oo ciidamada DKMG ah iyo xoogagga Xarakada Al-shabaab ku dhexmaray degaan ku dhow degmada Afmadow ee gobolka Jubbada hoose.
Dagaalka ayaa qarxay markii ciidammo ka tirsan dowladda KMG ah oo sahan ahaa ay weerar gaadmo ah ku qaadeen xoogag taageersan Xarakada Al-shabaab oo ku sugnaa goobahaas, iyadoo dagaalku uu si iskiis ah u joogsaday.
"Iskahorimaadku wuxuu ka dhacay inta u dhexeysa deegaannada Xayo iyo Qooqaani oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose, waxaana Al-shabaab uga dilnay laba dagaalyahan, dhankeenana waxaa nooga dhaawacmay hal askari," ayuu yiri sarkaal u hadlay DKMG ah oo aan magaciisa sheegin.
Xarakada Al-shabaab ayaan wax hadal ah kasoo saarin iskahorimaad ay kula gashay gobolka Jubbada hoose ciidamada DKMG ah, waxaana iskahorimaadkan uu daba socdaa weerarro gaadmo ah oo ay Al-shabaab la beegsatay ciidamada DKMG ah iyo kuwa Kenya ee ku sugan deegaannada Koonfureed ee gobolkaas.
Goobjoogayaal ku sugan deegaanka lagu dagaalamay ayaa saxaafadda u sheegay in dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka fudud iyo midka culus, waxaana deegaan ku dhow midka maanta lagu dagaalamay shalay ka dhacay dagaal u dhexeeya labada dhinac.
Koonfurta dalka Soomaaliya ayaa waxaa ku sugan kumannaan askarta dowladda Kenya ah, kuwaasoo soo galay bishii lasoo dhaafay si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen inay mas'uul ka tahay afduubyo dalkooda ka dhacay, balse Al-shabaab way iska fogeysay eedeyntaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya