Xarakada Al-shabaab oo sheegtay inay weerar gaadmo ah ku dishay askar ka tirsan ciidamada Kenya

Isniin, November 21, 2011 (HOL) − Bayaan ay Xarakada Al-shabaab soo saartay ayay ku sheegeen inay weerar gaadmo ah ku dileen shalay gallinkii dambe sideed askari oo ka tirsan ciidamada dalka Kenya ee ku sugan gobolka Jubbada hoose.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in weerarka lagu dilay ciidamada Kenya uu ka dhacay inta u dhexeysa deegaanka Taabto iyo degmada Afmadow oo ka tirsan gobolka Jubbada hoose qiyaastiina 60-km isku jira.

"Mujaahidiintu waxay weerareen lix gaari oo ay la socdeen ciidamada Kenya, waxay halkaas ku dileen sideed askari, intii kalena way baxsadeen," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-shabaab oo saxaafadda lasoo gaarsiiyay.

Afhayeenka ciidamada ee Al-shabaab, Sheekh C/casiis Abuu-Muscab ayaa sheegay inay weerar kale oo kaas barbar socday oo socday muddo saacad ah ay ku dileen askar ka tirsan ciidamada dowladda KMG ah ayna ku gubeen laba gaari oo mid ka mid ah uu ahaa nooca loo yaqaan Toyoto Land Cruiser.

Saraakiil u hadlay dowladda Soomaaliya ayaa sheegay inuu jiro iska horimaad lagu gubay mid ka mid ah gaadiidkooda, iyagoo sheegay in dagaalkaas ay ku dileen tiro ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab ayna iska difaaceen weerarka.

Ugu dambeyn Al-shabaab ayaa warka ay soo saartay ku sheegtay inay ka go'an tahay inay ka difaacayaan dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed weerar walba oo lagu soo qaado, sidoo kalena ay ka hortagayaan dagaal walba oo lagu soo qaado deegaannada ay ka taliyaan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya