Dagaal xalay ka dhacay qaar ka mid ah Degmooyinka Gobolka Banaadir iyo Al-shabaab oo guulo ka sheegatay

Ciidamada Dowladda KMG ah ee Soomaaliya
Isniin, November 21, 2011 (HOL) − Dagaal socday muddo saddex saacadood ah oo u dhexeeyay ciidamada DKMG ah oo garab ka helaya AMISOM iyo Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay degmooyinka Huriwaa, Yaaqshiid iyo Kaaraan oo dhamaantood ku yaalla waqooyiga Muqdisho.

Xarakada Al-shabaab ayaa dagaalladan guulo ka sheegatay, iyagoo sheegay inay weerareen saldhigyo ay degmooyinkaas kaga sugnaayeen ciidamada DKMG ah iyo kuwa AMISOM ayna khasaare gaarsiiyeen.

Warar madaxbannaan oo saxaafaddu ay helayso ayaa xaqiijinaya in dagaalladii xalay dhacay ay ku geeriyoodeen shan qof oo isugu jira dhinacyadii uu dagaalku u dhexeeyay iyo dad shacab ah, iyadoo sidoo kale ay ku dhaawacmeen in ku dhow 10-qof oo shacab ah.

Madaafiicda ay dhinacyadu isweydaarsanayeen ayaa ku dhacayay qaar ka mid ah xaafado ay dad rayid ah daggan yihiin, kuwaasoo sababay khasaaraha soo gaartay dadka shacabka ah.

"Xalay waxay noo ahayd habeen kale oo aan maqalo dagaalo culus oo ka dhacaya degmada, dagaalkii xalay wuxuu nagu beeray cabsi, waayo saddex saaacadood oo xiriir ah ayuu socday," ayay tiri Muxubo Cabdulle oo ka mid ah dadkii dib ugu laabtay degmada Kaaraan markii ay Al-shabaab ka baxday.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay in dagaalladii xalay ay khasaare ugu geysteen ciidamada isbahaysanaya, balse ma sheegin inta ay tiradoodu tahay, sidoo kale ma uusan sheegin khasaaraha dhankooda kasoo gaaray dagaalka.

Dowladda KMG ah iyo AMISOM ayaan ka hadlin dagaalladii xalay dhacay, balse Afhayeenka AMISOM Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay toddobaadkii hore inay iska difaaceen weerar ay Al-shabaab ku doonaysay inay dib ugu qabsato degmada Kaaraan.

Tan iyo markii ay Al-shabaab sheegtay inay isaga baxday Muqdisho oo ay bedeshay dagaalkii ay kula jirtay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda KMG ah ee Somalia waxaa ka dhacayay Muqdisho dagaallo goos-goos ah oo khasaare nafeed geystay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya