Afhayeen u hadlay Madaxweynaha Somalia oo sheegay inaysan ka warhayn ciidamada Itoobiya ee dalka soo galay

Isniin, November 21, 2011 (HOL) − Afhayeen u hadlay madaxweynaha DKMG ah ee Soomaaliya ayaa sheegay inaysan wax war ah u hayn wararka sheegaya in ciidamo Itoobiyaan ay soo galeen gudaha Soomaaliya.

Suldaan Faarax oo ah afhayeenka u hadlay madaxweyaha Somalia ayaa sheegay inay ogyihiin oo keliya in ciidamada Itoobiya ay soohdinta u tababarayaan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya, balse aysan gudaha u soo gelin dalka.

"Dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya waxaa ka dhexeeya xiriir wanaagsan waxayna heshiis ku yihiin sidii looga adkaan lahaa Al-shabaab," ayuu yiri afhayeenka u hadlay madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif.

Hadalka afhayeenka madaweynaha ayaa imaanaya iyadoo goobjoogayaal ku sugan gobollada Galguduud iyo Hiiraan oo ku yaalla bartamaha Soomaaliya ay arkeen ciidammo Itoobiyaan ah oo gobolladaas ku sugan, waxaana ciidamadaas qaarkood ay fariisimo ka dhigteen gudaha degmada Guriceel ee gobolka Galguduud oo ay ka taliso Ahlusunna.

Dhanka kale, dowladda Itoobiya ayaa iyaduna diiday in cutubyo ciidamadeeda ka mid ah ay u tallaabeen dhinaca Soomaaliya, waxayna wararka arrintan sheegaya ku tilmaantay kuwo been abuur ah.

"Warkaas gabi ahaan waa been, mana jiraan ciidammo ka tirsan kuweenna oo ku sugan gudaha Soomaaliya," ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Itoobiya Dina Mufti oo la hadlay wakaaladda wararka ee AFP. "Dadku inta badan waxay ku hadlaan wax aysan hubin."

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan gobollada dhexe ee Soomaaliya ayaa la sheegay inay wataan 20 gaadiid ah oo isugu jira kuwa dagaalka iyo kuwa xamuulka, waxayna kulammo kula yeesheen gobolka Galguduud mas'uuliyiinta Ahlusunna.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya