Wararkii ugu danbeeyay Xaaladda Gobollada ku yaalla Bartamaha Soomaaliya ee Hiiraan iyo Galgaduud

Isniin, November 21, 2011 (HOL) − Gobollada Hiiraan iyo Galgaduud oo ku yaalla bartamaha dalka Soomaaliya waxaa kala maamula Xarrada Shabaabul Mujaahidiin iyo Culima’udiinka Ahlu Sunna Waljameeca oo dhinaca kale marka aad eegto sida weyn isaga soo horjeeda dhinaca siyaasada.

Hadaba saacadihii ugu danbeeyay waxaa jirtay xaalad kacsanaan ah oo guud ahaanba laga dareemayay deegaannada labada gobolka kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya soo galeen qeybo ka mid ah gobollada Hiiraan iyo Galgaduud.

Degmada Guri-ceel ee gobolka Galgaduud oo goor dhaw uun la xiriirta HOL ayaa wariye jooga waxaa uu xaqiijiyay in wali halkaa ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Itoobiya, isaga oo intaa ku darray in ciidamadu fariisin rasmi ah ka dhigteen xero dhinaca koonfurteed kaga beegan degmada.

"Halkaa ayeey degan yihiin, cid ay la hadllayaan ma jirto, dhaq dhaqaaqooduna waa iska kooban yahay, ayuu yiri,’’ wariyaha jooga degmada Guri-ceel oo intaa ku darray in dadku dareen gaar ah ka qabo ciidamadaas.

Joogitaanka ciidamada Itoobiya ee degmada Guri-ceel ma’aha oo kaliya cida shakiga badan ka qabta dadka ku dhaqan gobolka Galgaduud ee xitaa waxaa siweyn looga hadal hayaan dhaq dhaqaaqa ciidamada Itoobiya ay ka wadaan gobollada bartamaha Soomaaliya magaalada Beledweyne ee xarunta u ah gobolka Hiiraan oo ay maamulaan xoogagga Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin.

"Runtii warka ku saabsan soo galintaanka ciidamada Itoobiya baqdin gaar ah ayeey nagu heysaa, waayo uma dulqaadan karno in korkeena lagu dagaallamo, aad ayaana uga wal wal qabnaa waxa ka soconaya gobolada dhexe ayeey tiri, Xaawo Axmed oo ka mid haweenka ku dhaqan magaalada Beledweyne.

Dhinaca kale mar aad eegto deegaannka Kala-beyr ee gobolka Hiiraan oo fariisin rasmi ah u ah xoogagga maamulka Dooxada Shabeelle ayaa lagu waramayaa in uu ka jiro dhaq dhaqaaq dhinaca militariga ah oo ay si wada jir ah ugu howlan yihiin maamulka Dooxada Shabeelle iyo saraakiisha Itoobiya, inkastoo haddana aysan jirin wax ciidamo ah oo u soo dhaqaaqay dhinaca magaalada Beledweyne.

Sikataba xaalada cakiran ee waqtigan ka jirta bartamaha dalka Soomaaliya, ayaa culeyska ugu badan waxaa ku qaba dadka rayid ah oo marka aad la sheekeysato kuu sheegaya in aysan ka bixi karin dagaal mar ay ku lug leedahay Itoobiya oo korkooda ka dhaca.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya