Isniin, November 21, 2011 (HOL) − Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso wararka sheegaya in ciidamada Itoobiya ay soo galeen Soomaaliya, iyagoo sheegay in tani ay muujinayso awood-darriada dowladda Kenya.
Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay ka hortagayaan duulaanka ay Itoobiya kusoo qaadday Soomaaliya, wuxuuna sheegay inay mar kale dhibaatooyin xooggan gaarsiin doonaan.
"Waan ku faraxsannahay in ciidamada Itoobiya ay yimaadaan Guriceel. Sababta ay u yimaadeen waa AMISOM iyo Kenya oo ku guuldarreystay dagaalkii ay kula jireen Al-shabaab," ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-Muscab oo ah afhayeenka ciidamada Al-shabaab.
Xarakada Al-shabaab ayaa waxay dagaal kula jirtaa ciidamada Kenya iyo AMISOM oo labadaba ka caawinaya dowladda KMG ah sidii ay uga adkaan lahayd Al-shabaab oo sannadihii ugu dambeeyay ka talinaysa dhul ballaaran oo Soomaaliya ka mid ah.
Inkastoo dowladda Itoobiya iyo madaxtooyada Soomaaliya ay beeniyeen inay ku jiraan gudaha Soomaaliya ciidammo Itoobiyaan ah, haddana goobjoogayaal ku sugan gobollada dhexe ayaa sheegay in ciidammo fara badan oo Itoobiyaan ah ay kasoo tallaabeen soohdinta labada dal ayna ku sugan yihiin gudaha Soomaaliya.
The last time Ethiopia entered Somalia was in December 2006, with tacit U.S. backing and at the invitation of a government that had lost control of the capital Mogadishu and large swathes of the country to another Islamist group.
"Al-shabaab iyo Itoobiya waa is-yaqaanaan. Waxaan ku qasabnay laba sano ka hor inay ka baxaan dalka iyagoo wata maydadka askartooda. Qorshahoodu waa inay caawiyaan AMISOM iyo Kenya, laakiin waxaa naga go'an inaan la dagaalanno," ayuu Sheekh Abuu-Muscab hadalkiisa raaciyay.
Dowladda Itoobiya ayaa sannadkii 2006 waxay ciidammo badan soo gelisay gudaha dalka Soomaaliya iyadoo ka caawinaysay dowladdii xilligaas jirtay sidii ay uga howl-geli lahayd Muqdisho oo ay gacanta ku hayeen xoogaggii Maxkamadaha Islaamka oo ay ka mid ahayd Al-shabaab.
"Soomaaliya ma ahan goob qabow oo loo yimaado in lagu raaxeysto," ayuu Sheekh Abuu-Muscab hadalkiisa ku daray. Xarakada Al-shabaab ayaa waxay sheegeen inay ka go'an tahay inay iska difaacaan weerar walba oo lagu soo qaado.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya