Bulshadaonline
Arboco, Wednesday, March 16, 2011 (BOL) - Safaaradaha reer Galbeedka ee ku yaala magaalada Nairobi ayaa diiday in ay Vise ama dal kugal saaraan Passportka Soomaaliya oo mudo dheer uu ka jaray jahwareer aqoonsigeesa.
Dalal yar oo uu jiro Talyaaniga ayaa dhawaan ogolaaday inay Vise saaraan Baasaboorka Soomaaliya kadib markii baarlamanka dalkaasi uu ansixiyay aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga.
C/qaadir Maxamed oo ah wiil dhalinyaro ah oo Soomaali ah ayaa shabakada bulshadaonline usheegay in Vise caafimaad ah hooyadiis looga soo diray dalka Talyaaniga, laakin Safaarada Talyaanigu ay diiday inay Visehaasi bixiso sababo ay kusheegeen aqoonsiga Baasaboorka Soomaaliga oo aan Talyaanigu aqoonsaneyn kan cusub.
Doonashada Baasaboorka.
Fahmo waxay intaa ku dartay in sidoo kale safaaraddo ajnabi ah ay diideen inay dal kugal saaraan Baasaboorka Soomaaliga.
Dhibaatada haysata dadkan Soomaalida ah ayaa ah cilad ka dhalatay xaga waaxda socdaalka Soomaaliya oo iskood ogolaasho barlamaan la’aantiis isbadal kusameeyay Baasaboorki dalka.
Dowlado badan oo aduunka ah ayaa la siiyay naqshada Baasaboorka dalka Soomaaliya kuwaasi oo qaarkood la inta ay horgeeyeen baarlamaanadooda kadib la ogolaaday, sida dalka Talyaaniga.
Laakin isla dalalkaasi ayaa hadana bilo kadib arkay Baasaboorki oo kaduwan xaga astaamaha kii ay ogolaadeen waana taas sababta keentay in lagu qanci waayo hanaanka loo maamulay Baasaboorka. Sababaha lagu diiday.
Maxamed Iidle oo ah aqoonyahan Soomaaliyeed ayaa usheegay bulshadaonline maruu kajawaabayay sababta ay dowladihi aqoonsanaa ay udiideen Baasaboorka Soomaaliga ayaa sheegay in ay qalad tahay in decomenti dal leeyahay uu shaqsi ama hay’ad ay iska maamulato iyada oo aanan la helin ogolaasho dowli ah oo aan baarlamanka lamarin.
Wuxuu Mudane IIdle intaa kudaray in dowladaha ay xaq uleeyihiin inay diidaan Baasaboorka cusub sababtoo ah ma aha kii horay loogu gudbiyay oo waa mid ka duwan, loomana gudbin markale go’aan dowladeed oo sheegaya in decomentigii labadalay.
Iidle ayaa xusay in uu ka xunyahay in lagu ciyaaro Baasaboorka oo hada ahaa mid meelo badan lagu tagi karo, waxaana uu ka digay in hadii aan wax laga qaban inta ay arrintu uggub tahay ay dowlado hada ka aamusan ay iyaguna diididoonaan.
Dhanka kalle Xildhibaan C/raxmaan Kulmiye oo kamid ah mudanayaasha Baarlaamaanka oo bulshadaonline ay la xiriirtay ayaa sheegay inuusan ogeyn meel baarlamanku wax kaga badalay muuqaalkii hore ee baasaboorka dadweynaha.
waxaana uu fadeexad kutilmaamay in decomenti qaran maalinba sumad lagu daro iyada oo aan la raacin sharciga dalka uyaala.
xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in baarlamanku uu baaridoono sababta loo badalay Baasaboorka iyo cida marka horeba ogolaatay calaamadahan kala duwan.
waxaa uu xildhinaanku ugu dambeyn sheegay in masuuliyadda wixi ka xumaada Baasaboorka uu shaqsiyan qaadayo Madaxa waaxda Socdaalka Soomaaliyeed oo isagu leh masuuliyada ilaalinta Baasaboorka.
Kala duwanaanta labada Baasaboor
Labada Baasaboor ayaa iskumid ah xaga balaca iyo midabka waxaa kii hore uu ku lahaa marka lafuro bogga hore calaamad u eg geesaha Baciidka oo dhinaca midig kaga yaala, garbadka ama jildiga Baasaboorka gudaha wax calaamad ah kuma lahayn.
Kan cusub halkii geesaha Baciidka ayaa qoor Geel lagu badalay, boga gudaha ee jildigana waxaa lagu sawiray qariiradii Soomaaliya. Waana isbadalkaas waxa lagu diiday Baasaboorka.
Xigasho: bulshada.com

