Xarrakada Al-shabaab oo si Nabadgelyo ah kula Wareegtay Deegaanka Diif ee Gobolka Jubbada hoose

Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) Xoogaga Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab ayaa maanta si nabadgelyo ah kula wareegtay Deegaanka Diif oo qiyaastii 95 Km dhanka waqooyi galbeed kaga beegan Deegaanka Dhoobley ee gobolka J/hoose halkaas oo ay mudooyinkan danbe ka taagnaayeen xiisado colaadeed kadib markii ay soo gaareen ciidamo taabacsan dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo uu hogaaminayo Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe).

Sida ay sheegeen masuuliyiin katirsan maamulka xarakada Alshabaab ee Jubooyinka cutubyo katirsan xoogaga Xarakada Alshabaab ayaa saaka gudaha u galay deegaanka diif, waxaana lagu soo waramayaa in ciidamadii uu hogaaminayay Axmed Madoobe ay isaga baxeen deegaankaasi iyadoo aysan dhicin wax iska horimaad ah.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan dhinicii uu hogaaminayay Axmed Madoobe oo kahadashay sheegashada ay xarakada Alshabaab sheegteen in ay la wareegeen deegaanka Diif ee gobolka J/hoose.

Deegaanka Diif oo ku yaal xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya ayaa mudooyinkan danbe waxa ka taagnaa xiisado colaadeed iyadoo horaantii todobaadkan ay halkaasi dagaallo ku dhex mareen ciidamo uu hogaaminayo Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) oo la sheegay in ay taageersanyihiin Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo Xoogaga Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya