Dowladda Mareykanka oo sheegtay in Abuu-Mansuur Al-Amriiki uu weli nool yahay laguna daweynayo Muqdisho

Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) Hay'adaha sirdoonka FBI-da iyo CIA-da Mareykanka ayaa sheegay in Cumar Xamaadi oo loo yaqaan Abuu-Mansoor Al-Amriiki uu weli nool yahay, balse uu qabo dhaawac kasoo gaaray dagaalladii ugu dambeeyay ee Muqdisho ka dhacay.

Warbixin uu saakay daabacay wargeyska Long War Journal ee kasoo baxa dalka Maerykanka ayaa lagu sheegay in arrintan ay u xaqiijiyeen saraakiil sarsare oo ka tirsan labadan hay'adood, iyagoo xusay in Al-Amriiki lagu daweynayo mid ka mid ah isbitaallada Muqdisho.

"Wararka aan haynno ma muujinayaan geerida Abuu-Mansoor Al-Amriiki, balse waxaan haynaa inuu ku dhaawacmay dagaal toddobaadyo ka hor ka dhacay Muqdisho," ayuu yiri sarkaal ka tirsan FBI-da oo uu wargeysku soo xigtay.

Wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa dhawaan u sheegay warbaahinta in Abuu-Mansuur Al-Amriiki oo kasoo jeeda Maerykanka una dagaalamayay Xarrakada Al-shabaab uu ku geeriyooday dagaalladii ka dhacay Muqdisho.

Hadalka kasoo baxay hay'adaha sirta Mareykanka ayaa beeninaya hadalkii DKMG ah ee Soomaaliya ee lagu sheegay inuu geeriyooday Al-Amriiki, balse ma jiro war ku saabsan geerida iyo nolosha Al-Amriiki oo kasoo baxay Xarrakatul Shabaab.

Xarrakatul Shabaab ayaa tan iyo dhammaadkii bishii hore waxay dagaal kula jirtay ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah oo kala wareegay xarumo muhim ah oo ay ka mid tahay wasaaraddii hore ee gaashaandhigga.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya