Arbaco, 16, Maarso, 2011 (HOL) Fadhi ay yeesheen baarlmaanka maamulka la baxay Galmudug ee ka dhisan bartamaha Soomaaliya ayaa ku baaqay in wax badn laga qabto amaan xumida sii kordheysa ee ka taagan deegaannada uu ka jiro maamulka Galmudug.
''mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa jira falal amaanka ka dhan ah oo ka jiray deegaannada uu maamulku gaarsiisan yahay, gaar ahaan magaalada Gaalkacyo kuwaasoo lagu ugaarsanayo dadka mas'uuliyiinta ah ayuu yiri,'' guddoomiyaha maamulka Galmudug.
Waxaa uu intaa ku darray in haddii aan laga hortagin falalkaa amaanka ka dhan ah ay keeni doonaan
Hadalka ka soo yeeray maamulka Galmudug ee ku aadan sidii wax looga qaban lahaa falalka nabad-galyada xumeynaya, ayaa waxaa la oran karaa waa mid ku soo beegmay xili labada maamul ee Puntland iyo waliba Galmudug xoogga saarayaan sidii loo xakameyn lahaa falalka isugu jira dalka iyo wax yeeleynta kale uu lagula kaco mas'uuliyiinta labada dhinaca oo ah mid siweyn ugu badan magaalada Gaalkacyo ama guud ahaan dhulka ay ka wada arrimiyaan labada maamul.
Sidoo kale baarlamaanku waxaa uu isla soo qaaday arinta ku aadan abaarta ka jirta deegaannada Galmudug, iyaga oo ugu baaqay hay'addaha samalku in ay fiiro gaar ah u yeeshaan baaxada abaartu leedahay islamarkaan u garumadaan dadka dhibaateysan.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online