Taliska qaybta Booliska Gaalkacyo oo maanta gubay khamri aad u badan iyo howlgallo amni sugid ah oo wali soconaya

Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) Ciidamada Booliska Gaalkacyo ayaa habeenadii ugu danbeeyay fuliyay howlgallo kala duwan oo amniga degmada lagu sugayo, kuwaasi oo la sheegay in dad badan lagu soo qab-qabtay.

"Amniga Gaalkacyo waa u ka wanaagsanyahay sidii hore ,maadaama la xoojiyay "ayuu yiri taliyaha qaybta boliska gobolka Mudug Aadan Nuur oo si gaar ah ula hadlay HOL. Taliyaha ayaa sheegay howlagalladii maanta la sameeyay in lagu soo qabtay laba gaari oo magaalada soo galin jiray khamriga iyo todobo ruux oo loo haysto in ay ka ganacsan jireen.

"Khamirada lagu soo qabtay waxa ay dhantbay 1075 dhalo maanta ayaana lagu gubay meel fagaare ah "ayuu yiri taliyaha oo HOL uga waramay khadka taleefanka. Sidoo kale Aadan Nuur ayaa xusay in dadka qaar ee la soo qabtay maanta xukuno kala duwan lagu fuliyay ,iyadoo xukunkii ugu badnaa uu gaarayay todobo sano oo xarig ah.

"Dad waxaa jira ka soo hor-jeeda wanaag ay gaaraan dadka gobolka Mudug, balse sharciga ayey hor-imaadan doonaan marka la soo qabto" ayuu hadalkiisa ku daray. Waxaa kaloo uu sheegay in hawlgalladan lagu bur-buriyay goobo badan oo khamriga looga ganacsan jiray oo ku dhexyaalay xerada Dayax ee magaaladaasi.

Ugu danbayntii qaar ka mid ah shacabka magaalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweeyay howlgalladan kuna tilmaamay kuwa wax badan kusoo kordhin kara amniga degmada oo ay horay uga dhicin falal khal -khal ku ahaa amniga.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso,Sooaaliya