Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) – C/llaahi Muxyadiin Axmed oo ka mid ah dadka Soomaaliyeed ee daggan dalka Mareykanka ayaa sheegay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxweynimada ee Soomaaliya, isagoo sheegay inuu xilal badan kasoo qabtay dowladdii Soomaaliya ee milateriga ahayd.
Murashaxan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa DKMG ah ah ay guulo ka gaareen dagaallo ay Muqdisho kula galeen xoogagga Xarrakatul Shabaab.
"Waxaan u tacsiyeynayaa qoysaska iyo dalalka askartii AMISOM ee ku geeriyooday dagaalladaas, waxaana si gaar ah tacsi ugu dirayaa ciidamada DKMG ah ee iyaguna dagaalkaas ku dhintay," ayuu yiri murashaxan, isagoo dalalka caalamka sidoo kale uga mahadceliyay taageerada ay siiyaan dowladda Soomaaliya.
Mar la weydiiyay mowqifkiisa ku aaddan wadammada dariska la ah Soomaaliya ayuu yiri: "Dalalkaas waxaan kula noolaan doonnaa nabad iyo wanaag haddii xilka madaxnimo ee Soomaaliya la ii doorto, sidoo kalena aysan wax cabsi ah uga imaan doonin Soomaaliya."
Sidoo kale, mar wax laga weydiiyay haddii uu ku guuleysto xilka madaxtinimada Soomaaliya wax ugu horeya u ka qabanayo dalka ayuu sheegay inuu ka shaqeyn doono sidii ay ummadda Soomaaliyeed nabad ugu noolaan lahaayeen.
Ugu dambeyn, murashaxan oo wax ku bartay dalka Mareykanka muddo dheerna ku noolaa ayaa sheegay inuu ka shaqeyn doono haddii la doorto sidii Soomaaliya ay dib ugu soo laaban lahayd saaxada caalamka oo muddo 20-sano ka badan ka maqnayd.
Murashaxiinta doonaya inay qabtaan xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya marka uu dhammaado xilliga DKMG ah ayaa soo kordhaya, iyadoo dhawaan uu Prof. Axmed Muumin warfaa uu xaflad qado ah ugu sameeyay mudanayaasha magaalada Nairobi taasoo uu kusoo bandhigay inuu yahay murashax u taagan xilka madaxnimo ee Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya