Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo lagu xukumay xabsiyo kaddib markii ay rasaaseeyeen dad shacab ah

Arbaco, Maarso 16, 2011 (HOL) Afhayeenka ciidamada AMISOM Maj. Ba-huko Barigye ayaa sheegay inay min laba sano oo xarig ah ku xukumeen saddex askari oo lagu helay dambi ah inay rasaas dhaawacyo geystay ku fureen dad shacab oo ku sugnaa Muqdisho.

"Baaritaanno ay iska kaashadeen ciidamada AMISOM, kuwa booliiska DKMG ah, madaxda isbitaallada iyo dad goobjoogayaal ah ayaa lagu ogaaday in askartan ay si bareer ah rasaas ugu fureen dad shacab ah," ayuu yiri Maj. Bahuko.

Afhayeenku wuxuu sheegay inaysan jirin wax dhimasho ah oo ka dhashay rasaasta ay askartaas ku fureen dadka shacab ah, isagoo xusay inay falalkan ahaayeen laba dhacdo oo kala dhacay bishii November 2010 iyo bishii Jannaayo 2011.

Saddexda askari ayaa wajahaya 24-bilood oo xabsi ah sida uu sheegay afhayeenka AMISOM, isagoo xusay inay u dhasheen dhammaan askartan dalka Uganda, loona maray xukunkooda xeerarka ciidamada dowladda Uganda.

"Wuxuu baaritaanku u dhacay si wanaagsan, waxaana la kaashanay booliiska DKMG ah, maamulayaal isbitaal iyo goobjoogayaal, waxaana noosoo baxay inay askartan falka lagu eedeeyay geysteen," ayuu yiri taliyaha ciidamada AMISOM Maj-Gen. Nathan Mugisha.

Taliyuhu wuxuu hadalkiisa daba-dhigay in falalkaas oo kale ay dhacaan inta badan. Waxaana raalli-gelin u diraynaa dadkii dhibbanayaasha ahaa ee ay wax ku gaareen iyo qoysaskooda, waxaana caddeynayaan in falalkaas oo kale aanu ku sameyn doonno baaritaanno.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya