
Isniin, April 04, 2011(HOL): Xukuumadda Soomaaliya ayaa hay’adaha Qaramada Midoobay ugu baaqday in ay u soo guuraan Magaalada Muqdisho, halkaasina ay howlahooda ku qabsadaan. Haddaba warsaxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya oo arrintan ku saabsan isla markaana soo gaaray Xafiiska HOL ayaa u qornaa sidan:
Maadama Dalka Soomaaliya uu muddo 20 sano ah ku jiray xaalado adag, isla markaana hay’adihii dastuuriga ahaa ay soo mareen marxalado kala duwan ayaa hadda waxaa muuqda ifafaallo horumar ah oo u baahan in si wadajir ah looga wada shaqeeyo sidii loo sii xoojin lahaa dadaallada socda oo ay ka mid yihiin soo celinta amniga, dib-u-habeynta dhaqaalaha, maamul wanaaga, dib-u-heshiisiinta iyo sidii shacabka somaaliyeed loo gaarsiin lahaa adeegyada muhiimka ah.
Si haddaba loo dardargeliyo horumarka la sameeyey waxaa muhiim ah in dhammaan hay’adaha dastuuriga ah ee DFKMG ah, bulshada soomaaliyeed qeybahooda kala duwan iyo caalamkaba ay kaalin mug leh ka qaataan sidii ummadda soomaaliyeed looga saari lahaa marxalladan adag loona gaarsiin lahaa horumar iyo barwaaqo.

Sidaas daraadeed Xukuumadda FKMG ah iyadoo ka duuleysa waajibaadka ka saaran shacabkeeda iyo sidii loo xaqiijin lahaa in ummadda Soomaaliyeed la gaarsiiyo adeegyada bulshada sida gar-gaarka bani’aadanimo ayaa waxey go’aamisay in dhammaan hay’adaha Qaramada Midoobey ee ku howlan arrimaha Soomaaliya ay u soo guuraan magaalada Muqdisho muddo 90 maalmood ah gudahooda, si ay u sahlanaato in shacabka Soomaaliyeed loo fidiyo gargaarka ay sida deg-dega ah ugu baahanyihiin.
Xukuumadda FKMG ah waxey hubtaa in aysan danta ummadda Soomaaliyeed ku jirin in Nayroobi ay sii joogaan hay’adaha loogu talo galay inay u adeegaan bulshada Soomaaliyeed. Soo guurista hay’adaha QM ee Muqdisho waxey wax badan ka bedeli doontaa xaaladda guud sida amniga, abuurista shaqada, kobcinta dhaqaalaha iyo horumarka guud oo ay bulshadu si weyn ugu baahantahay.
Mar haddii marar badan ay Xoghayaha Guud ee QM Ban Ki-Moon iyo Ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee QM Augustine Mahiga ay sheegeen inay ka go’antahay in dhammaan hay’adaha QM ay u soo guurayaan Muqdisho, waxaa la joogaa waqtiga laga dhabeyn lahaa ballanqaadyadaas. DFKMG ah waxey ka codsaneysaa QM inay arrinkan siiyaan muhiimada uu leeyahay oo ay muddada 90ka maalmood gudahood ugu soo guuraan.
Ugu danbeyntii waxaan u mahadcelinayaa bulshada qeybaheeda kala duwan ee taageerada joogtada ah siiyey Dowladda, sida oday dhaqameedyada, dumarka, dhalinyarada iyo qeybaha kale ee bulshada oo shucuurta si joogta ah ugu muujiyey sida ay u taageersanyihiin Dowladdooda.
Garad Salad Hersi
Press Officer Office of the Prime Minister
Muqdisho, Soomaaliya