Afhayeenka ciidanka Booliiska Soomaaliya G/sare C/llaahi Xasan Bariise ayaa oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in miiinda ay aastay Xarrakatu Shabaab, balse lagu soo saaray howlgal ay ciidamada DKMG ah sameeyeen markii lagu soo wargeliyay in halkaas ay miino ku aasan tahay.
"Baaritaanno ay ciidamada dowladda KMG ah sameeyeen ayay ku guuleysteen inay miinadan kasoo saaraan xaafad dhexdeed, waxayna ahayd mid loogu talogalay in lagu dilo askarta iyo shacabka Soomaaliyeed," ayuu yiri Bariise oo saxaafadda la hadlay.
Afhayeenku wuxuu sheegay in miidan ay qayb ka tahay dhibaatooyin shacabka lagu hayo, isagoo xusay in loogu talogalay in lagu qarxiyo taleefoonka gacanta, iyadoo lagu xiray goob ay shacabka iyo ciidamadu maraaan.
"Sida aad arkaysaa miinadan waxaa laga sameeyay rasaasta hoobiyaha iyo walxo kale oo la isku xiran, waxaana lagu xiray taleefoonka gacanta, si ay u qaraxdo markii lasoo waco," ayuu yiri afhayeenka Booliiska oo sharraxaad ka bixinayay miinada ay soo bandhigeen.
Goobaha ay booliisku sheegeen inay kasoo saareen miinadii ay soo bandhigeen maanta ayaa waxaa xalay ka dhacay dagaal culus oo ay soo qaadeen Xarrakatul Shabaab, iyadoo la sheegay in xoogagga Xarrakadu ay kusoo dhawaadeen jidka Maka Al-Mukarama oo muhiim u ah isku socodka dowladda iyo AMISOM.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya