Mudanayaasha ka hadlay arrintan ayaa waxay qaarkood sheegeen in magacaabidda guddoomiyaha maxkamadda sare uu leeyahay madaxweynaha halka kuwo kalena ay tilmaameen inuusan lahayn, bale uu leeyahay ansixitiisa markii loosoo gudiyo.
Xildhibaan Cumar Islow Maxamed oo ka mid ah xeer ilaaliyeyaasha baarlamaanka ayaa sheegay in ruuxa loo magacaabayo guddoomiyaha maxkamadda sare laga doonayo inuu horay u soo noqday guddoomiyaha maxkamadda rafcaanka muddo badanna uu kasoo shaqeynaya.
"Madaxweynaha ayaa iska leh magacaabidda guddoomiyaha maxkamadda sare, balse sida muuqata looma marin magacaabidda iyo dhaarinta guddoomiyaha cusub sharciga dalka u dagsan," ayuu yiri Cumar Islow, isagoo sheegay in axdiga KMG ah farqaddiisa sagaalaad ay ku caddahay xulashada ruuxa noqonaya guddoomiyaha maxkamadda sare.
Xildhibaan Mowliid Macaani oo isaguna ka hadlay arrintan ayaa sheegay inuusan madaxweynuhu lahayn go'aanka lagu magacaabayo guddoomiyaha maxkamadda sare balse ay ahayd in golaha wasiirradu ay soo jeediyaan, baarlamaanka laga ansixiyo ugu dambeynna uu madaxweynuhu leeyahay ogolaashaha ama diidmada.
Ugu dambeyn, xildhibaan Cali Maxamuud Faarax (Seeko) oo isaguna magacaabiddan ka hadlay ayaa sheegay inay ahayd in jagadan loo magacaabo ruux kasoo bixi kara oo isku bartay sharciga Islaamka iyo midka caalamiga ah.
Mudanayaashan ayaa hadalladooda waxay imaanayaan iyadoo guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka loo magacaabay xildhibaan Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf, kaasoo isla shalay lagu dhaariyay munaasabad ka dhacday xarunta Madaxtooyada.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya