
Madaxweyne Sh. Sharif Sh. Axmed oo xariga ka jaraya Talafishin Cusub oo ku hadlidoona afka Dowladda KMG ah.
Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta xariga ka jaray xarunta Telefishinka Qaranka Soomaliyeed oo dib loo furay labaatan sano kaddib, kaasoo ku hadli doona afka dowladda.
Munasabaddan oo ka dhacday xarunta wasaarada warfaafinta Soomaaliya ayaa waxaa madaxweynaha kusoo dhaweeyay wasiirka warfaafinta, boostada iyo isgaarsiinta C/kariin Xasan Jaamac oo ka shaqeeyay sidii telefishinkan dib hawada u geli lahaa.
Xafladda xarigga looga jarayay Telefishinka waxaa ka soo qayb-galay ra’iisul wasaaraha ku xigeenka ahna wasiirka gaashaandhigga mudane C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi, wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax iyo mas'uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan.
Madaxweyne Sheekh Shariif Axmed ayaa hamablyo u jeediyay wasiirka warfaafinta xukuumadda KMG ah iyo dhammaan shaqaalaha telefishinka Qaranka Soomaaliyeed, isagoo sidoo kale ugu hambalyeeyay shaqaalaha Raadiyo Muqdisho oo ku hadla afka dowladda Soomaaliya.
Sheekh Shariif ayaa kula dardaarmay shaqaalaha Talefishinka inay ka shaqeeyaan midnimada, qaranimada iyo horumarka dalka si ay horumar ugu horseedaan ummada Soomaliyeed oo dagaallo kusoo jiray muddo dheer.
Dowladda Soomaaliya ayaa sannadkii hore hirigelisay inay dib u furto Raadiyo Muqdisho oo laga dhageysto Muqdisho iyo gobollada ku hareereysan, iyadoo xilligaa wasiir uu ahaa xildhibaan Daahir Maxmuud Geelle, iyadoo mas'uuliyiinta dowladdu ay sheegeen inuu qayb ka qaadanayo dagaalka lagula jiro Xarrakatul Shabaab.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya