Ciidamada Badda Netherland oo howlgal ay dooni ku furanayeen ku dilay burcadbadeed Soomaaliyeed

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Ciidammada badda dalka Holland ayaa dilay laba ruux oo burcadbadeed Soomaaliyeed oo afduub ku haystay dooni kalluumeysi oo laga leeyahay dalka Iiraan, sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaaradda gaashaandhigga dalkaas maanta oo Isniin ah.

Howlgalka lagu dilay labadan burcadbadeedda Soomaaliyeed ayaa ka dhacay meel ka baxan biyaha Soomaaliya, waxaana la sheegay in markii ay rasaastu billaabatay ay ciidamadooda Holland dileen mid ka mid ah burcadbadeedda, ayna qabteen 16-kale oo ka mid ahaa kooxihii burcadbadeedda ahaa ee afduubka ku haystay doonida kalluumeysi.

Ciidamada fuliyay howlgalkan lagu furtay doonida ayaa la socdeen HMS Tromp oo ka mid ah maraakiibta dagaalka Holland ee ka qaybqaadanaya howlgalka NATO ee la dagaalanka burcadbadeedda xeebaha Soomaaliya.

Toban ka mid ah burcadbadeedda oo isku dayaya inay ku baxsadaan dooni nooca dheereeya ah ayaa la qabtay sida lagu sheegay warkan, sidoo kale lix burcad oo kale ayaa lagu qabtay doonida dhexdeeda.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Holland Morloes Visser ayaa sheegay in qaar ka mid ah burcadbadeedda la qabtay ay dhaawacyo qabaan, loona bilaabay daweyn. Isagoo sheegay in su'aalo ku saabsan doonida u afduubnayd la weydiin doono.

"Weli ma cadda halka uu xukunkoodu ka dhici doono," ayuu yiri Visser oo jawaab ka bixinayay go'aanka ay ka qaadan doonaan burcadbadeedda ah howlgalka ku qabteen.

Lama yaqaan halka ay aadeen shaqaalihii la socday doonida, iyadoo la sheegay in kooxaha burcadbadeedda ah ay doonayeen inay doonida u adeegsadaan inay kusoo afduubaan maraakiibta maraya meelaha ka baxsan biyaha Soomaaliya, sidoo kale lama sheegin khasaare kasoo gaaray dagaalka ciidammada Holland.

Dalka Holland ayaa waxaa ku xiran kooxo burcadbadeed ah oo ay ciidamadooda ku qabteen howlgallo ay ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya iyo kuwa ka baxsan, kuwaasoo ay ku jiraan shan ruux oo loo haysto inay isku dayeen inay afduubaan markab laga leeyahay dalka Holland.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya