Iska horimaad khasaare geystay oo ciidamo kawada tirsan dowladda KMG ah ku dhexmaray degmada Dharkeynley

Isniin, Abriil 04, 2011 (HOL) – Ugu yaraan saddex qof oo uu ku jiro askari ayaa ku dhintay dagaal ciidamo kawada tirsan dowladda maanta ku dhexmaray xaafadda Suuq boocle ee degmada Dharkeynely, iyadoo ay ku dhaawacmeen saddex qof oo shacab ah.

Dagaalkan ayaa billowday markii ciidamada uu soo dhexgalay is-faham waa, iyadoo labada shacabka ah ee lagu dilay dagaalka ay ahaayeen dad meesha marayay oo ay haleeshay rasaastii ay ciidamadu isdhaafsanayeen, sida ay inoo sheegeen goob-joogayaal ku sugnaa halka uu dagaalku ka dhacay.

Guddoomiyaha degmada Dharkeynley, Macallin Cabdulle Cali Hilowle oo saxaafaddu ay su'aalo ka weydiisay dagaalka ayaa qiray inuu dagaalku dhacay uuna sababay dhimasho iyo dhaawac soo gaartay dadka shacabka ah iyo askartii dagaalamay.

"Waxaan ku jirnaa xallinta khilaafka dagaalka dhaliyay, runtiina goobta ay askartu ku dagaalameen waa shacbka dhexdiisa waana mid aan aad uga xunnahay," ayuu yiri Macallin Cabdulle, oo sheegay in xaaladdu ay daggan tahay ayna ku guuleysteen inay joojiyaan dagaalkii u dhexeeyay ciidamada.

Iskahorimaadkan oo socday muddo hal saac ah ayaa sababay in ganacsiga suuq Boocle uu xirmo, iyadoo cabsi weyn ay lasoo daristay dadka suuqaas ku ganacsada iyo kuwa dariska la ah, mana ahan markii ugu horreysay oo dagaal uu degmadaas ku dhexmaro cidammo dowladda Soomaaliya.

Dhaawacyadii ka dhashay dagaalka oo dhammaantood rayid ahaa ayaa oo qaaday isbitaalka Madiina, iyadoo maydadkiina la qaaday markii ay rasaastu joogsatay, welina waxaa la dareemayaa xiisado colaadeed oo u dhexeysa ciidamadii uu dagaalku dhexmaray.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya