Guddiga gurmadka abaaraha maamulka goballka Hiiraan oo deeq raashin ah u qeybiyay dad dhibaateysan


Isniin, April, 04 2011 (HOL) Inkastoo rajadu dadku tahay mid hagaagsan, cirkuna muujinayo astaamo roobaad, ayaa haddana dhinaca waxaa la oran karaa wali xaalada abaarta ka jirta deegaanno badan oo ka tirsan goballka Hiiraan waa sideedii, gaar ahaan marka la eego dhulka fog ee miyiga oo ay ku nool yihiin dadka u badan xoola dhaqatada.

 

Guddiga gurmadka abaaraha maamulka xarrakada Shabaabul Mujaahidiinta ee goballka Hiiraan ayaa ilaa Sideed gaari oo siday deeq ka kooban Galey waxaa ay gaarsiiyeen deegaanno badan oo ka tirsan goballka Hiiraan, kuwaasoo ay ku nool yihiin dadka ku xoolo beelay abaarta ka jirta goballka.

 

Deegaannada raashinka la gaarsiiyay ayaa waxaa ka mid ah degmada Maxaas, Moqokori, Goobo, iyo deegaannka Waro-dhuumaleh oo dhamaantood ka tirsan goballka Hiiraan, waxaana deeqdaa ka faa'ideystay dadka ugu sii nugul guud ahaan marka la eego dadka ay abaaruhu ku dhufteen.

 

''Marar badan ayeey sidan oo kale deeq noo soo gaarsiiyeen guddiga gurmadka abaaraha maamulka goballka Hiiraan, waana uga mahadcelineynaa, laakiin dhibaatada ugu weyn ee hadda na heysta waa dhinaca biyaha ayeey tiri'', haweeney HOL kula hadashay degmada deegaannka Moqokori oo ka mid meelaha raashin-ka la gaarsiiyay.

 


Meel kasta oo aad marto dhulka miyiga ah ee abaarutu ka jirto waa iska caadi in aad aragto baqtiga xoolaha oo daadsan hareeraha wada kuwaasoo qaarkood aad arkeyso in haraga lagala baxay, si loo sii iibiyo loogana dhigto wax xoogaa naf celis ah, waaba haddii lacag lagu hello.

 

Dhinaca kale mar aad eegto waxaa jirta cabsi laga qabo cudur ka dilaaca deegaannada hadda abaaruhu ka jirtaan, gaar ahaan marka ay bilaawdaan roobab-ka la filiyo, maadaama togoga iyo baliyadii biyaha gali jireen xiliyada roobab-ku noqdeen kuwo lagu soo dheereeyo baqtiga xoolaha, lagana yaabo in markiiba dadka reer miyiga ah isticmaalaa haddii uu Ilaah raxmadiisa ku shubo.



C/raxmaan Diini, Hiiraan Online

Beledweyne, Soomaaliya

[email protected]