Isniin, 31, May, 2010 (HOL) Waxaa hada degan goobihii ay saakay dagaalladu ku dhaxmareen Ciidamo ka kala tirsan Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Ururka Xisbul Islaam, kadib markii Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay la wareegeen inta badan goobihii farsiimaha u ahaa Xoogagga Ururka Xisbul Islaam.
Yuusuf Axmed Hagar Dabageed oo ka mid ah Saraakiisha horkaceysa Ciidamada Dowladda ee saakay weerarka ku soo qaaday ayaa isaga oo waramayo HOL wuxuu sheegay in waqtigan isaga iyo Ciidamada Dowladda ay ku sugan yihii deegaanka Jante-kuundisho isaga oo intaa ku darray in kooxihii ka soo horjeeda uusan ogeyn halka ay qabteen.
Yuusuf Dabageed oo ka jawaabayay su'aasha ku saabsaneyd cid ku wehelisa duulaanka ay saakay soo qaadeen gaar ahaan bal haddii ay jiraan ciidamo ka tirsan kuwa Ahlu Sunna oo dagaallka ka qeyb qaatay ayaa sheegay in dagaalka saakay lagu soo qaaday Magaalada Beledweyne ku fuliyeen Ciidamo u dhashay sida uu hadalka u dhigay goballka laakiin taabacsan Dowladda Soomaaliya, isaga oo intaa raaciyay in sidoo kale wada shaqeyn fiican leeyihiin Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca.
"Anagu qorshaheynu ma'aha in aan gudaha u soo galno magaalada si aan u ilaalino xasiloonida dadka, waxaana naga go'an in aan magaalada ka difaacno kooxaha ku soo duulay, kadiban u gudubno goballka intiisa kale" ayuu yiri Yuusuf Dabageed oo mar Guddoomiyi ka ahaa goballka Hiiraan.
Ciidamadii Ururka Xisbul Islaam ee saakay la galay dagaalka kuwa Dowladda Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa in ay fariisin ka dhigteen Tuulada lagu magacaabo Baardheer oo dhinac bari ka xigta Magaalada Beledweyn, waxaana qaar ka mid ah Saraakiishooda uu la hadashay Warbaahita gudaha sheegeen in saacadaha soo socda weerar ku qaadi
doonaan Ciidamada Dowladda ee hadda ee ku sugan deegaannka Jante-kuundisho.
Dhinaca kale waxaa dib ugu soo laabtay Magaalada Qoysaskii dhawaan u barakacay deegaannka Jante-kuundisho oo saakay ay ku dagaallameen Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ururka Xisbul Islaam, waxaana xusid mudan in dagaallkii saakay dhacay uu ku geeriyooday Wiil yar oo ka mid ahaa Qoysaskii dhawaan ka barakacay fatahaadii uu sameeyay Wabigga Shabelle.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Beledweyne
More News
- Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa oo maanta socod ku maray Waddada Makka Al-Mukarrama
- Wasaaradda Lacagta Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay lacagihii soo galay Dowladda Soomaaliya tan iyo sannadkii hore
- Ururka Xisbul Islaam oo maanta amar ku bixiyay in la xiro Xafiisyada Telefishinka Universal uu ku leeyahay dalka Soomaaliya
- Aqoon,Isweydaarsi looga hadlayay Waalidka iyo Dhallaanka oo lagu qabtay dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
- Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay baqdin ka qabaan in la kala diro, maadaama uu Shariif Xasan guuleystay
- Agaasimaha guud ee Telefishinka Universal oo Xarrakatul Shabaab ka dalbaday inay ka laabtaan go'aankii ay ka qaateen Telefishinka
- Dagaallo u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool
- Aqoon Isweeydaarsi Loga hadlayaay Walidka iyo Ubadka oo lagu qabtay dalka Sweden
- Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaannka Jante-kuundisho ee Magaalada Beledweyne.