Isniin, May 31, 2010 (HOL) − Waxaa maanta waddada dheer ee Maka Al-Mukarama oo ay dowladdu gacanta ku hayso lagu arkay ciidamo badan oo Soomaali ah, kuwaasoo tababaro kusoo qaatay dalka Yugaandha.
Ciidamadan ayaa hareeraha wadadaaas socod ku marayay ayaa waxaa la socday gaadiidka gaashaaman ee ciidamada AMISOM, kuwaasoo ilaalo ka yahay ciidamada socodka ku marayay jidkaas oo kasoo dagay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho.
Askartan oo ah kuwo xirnaa dharka ciidamada Milateriga ayaa waxay tiradoodu ahayd 700-askari, waxaana la sheegay inay yihiin kuwo la shaqeynaya ciidamada AMISOM ee ka socda Midowga Afrika.
"Ciidamadu waxay ahaayeen kuwo aad u badan, qof walba wuu la yaabay, waxay wateen qoryo fudud si habeysan ayayna u socdeen" ayay tiri Raaxo Axmed oo ka mid ah dadka degmada Waaberi ku nool oo la hadashay HOL.
Socodka ciidamadan ayaa u muuqday mid dhoola-tus ah iyadoo la sheegay inay qabeen tababaro dhowr bilood ah, lamana oga halka ay saldhig ka dhigan doonaan, waxaase ay kusii jeedeen Madaxtooyada.
Dowladda Soomaaliya ayaa Kumanaan ka tirsan ciidamadeedu waxay tababaro kusoo qaateen dalalka Afrika qaarkood, iyadoo kuwan ay qayb ka yihiin ciidamadaas tababarrada horay u soo qaatay oo dalka dib ugu soo laabtay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya