Isniin, May 31, 2010 (HOL) − Dagaallo u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa Itoobiya iyo Xoogagga Xarrakatul Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool oo waayahan ay labada dhinac ku loolamayeen gacan ku haynteeda.
Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegatay inay weerar ku qaadeen degmada Ceelbarde xalay 11:00-habeenimo uuna dagaalku ka dhacay gudaha degmada balse lama yaqaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay.
Goobjoogayaal ku sugan degmada Ceelbarde ayaa sheegay in dagaalku uu socday saacad ka badan, ayna dhinacyadu isku adeegsadeen hubka culus, waxayna sheegeen in saakay ay xaaladdu tahay mid daggan.
Guddoomiyaha Degmada Ceelbarde Ibraahim Dheere oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in weerar lagu qaaday Degmada Ceelbarde oo ay kuwada suganaayeen ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Itoobiya, ayna dhankooda isdifaaceen.
"Dagaalka wuxuu ahaa mid xooggan, dhankeenna waxaa nooga dhaawacmay saddex askari, dhanka kalena khasaarahooda hadda ayaa raadinaynaa, innaga ayaa degmada gacanta ku hayna wayna daggan tahay" ayuu yiri Guddoomiyaha Degmada Ceelbarde.
Isgaarsiinta ayaa aad u xun, inkastoo wararku ay sheegayaan in degmada ay tahay mid gacanta ku hayaan ciidamada Dowladda Soomaaliya, kooxihii dagaalka ku qaadayna ay ku sugan yihiin degmada daafaheeda.
Degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool ayaa waxaa bilihii ugu dambeeyay ay ahayd mid ay ku loolamayaan gacan ku haynteeda Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo inta badan Gobolkaas gacanta ku haysa iyo Ciidamo daacad u ah Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya