Isniin, May 31, 2010 (HOL) − Agaasimaha guud ee Telefishinka ku hadla Afka Soomaaliga ee Universal oo Xarrakatul Shabaab ay sheegtay inay ka goostay cilaaqaadkii ay la lahayd Eng. Axmed Abuubakar oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa sheegay inay aad uga xun yihiin in Telefishinkooda lagu eedeeyo inuu aflagaadeeyay Nebi Muxammed (NNKH).
Eng. Axmed Abuubakar oo u warramayay BBC-da ayaa sheegay in wariye u jooga dalka Koonfur Afrika uu sii daayay warkaas, uuna soo qaatay Katroonkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxammed (NNKH) oo ay dad badan oo Muslimiin ah ka caroodeen.
"Xarrakatul Shabaab waxay ku duulayaan wax loo sheegay, balse Kartoonka aan soo saarnay wuxuu ahaa mid sakanno saarnaa Shaashadda, Ujeedadeennuna waxay ahayd inaan Cambaareyno Wargeyskii sameeyay Kartoonkaas" ayuu yiri Eng. Axmed.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo shir jaraa'id shalay u qabtay Saxaafadda ayaa sheegay in Telefishinka Universal ay ka goosteen xiriirkii wadashaqeyn ee kala dhexeeyay, isagoo ku eedeeyay inuu qayb ka noqday Warbaahinta dagaalka kula jirta Islaamka.
"Waxaan go'aan ku gaarnay inaan ka goosanno Telefishinka Universal calaaqaadkii aan la lahayn markii uu soo daayay kartoonkii lagu aflagaadeeyay Nebi Muxammed (NNKH), dhammaan shacabka Soomaaliyeedna waan uga digaynaa inay daawadaan" ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.
Maamulka Xafiiska Muqdisho ee Universal Tv ayaa iyaguna shalay ku dhawaaqay inay si KMG ah u joojiyeen howlahoodii tabinta Wararka Muqdisho, waxayna cambaareeyeen warkaas iyo sawirka laga siidaayay Telefishinkooda.
Agaasimaha Universal TV Eng. Axmed Abuubakar, ayaa ka codsaday Xarrakatul Shabaab inay ka laabtaan go'aankooda, isagoo sheegay in xafiiskooda Muqdisho uu weli furan yahay, howlihiisana uusan u joojinayn go'aankii Xarrakatul Shabaab kasoo baxay.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya