Wasaaradda Lacagta Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay lacagihii soo galay Dowladda Soomaaliya tan iyo sannadkii hore

Isniin, May 31, 2010 (HOL) − Wasaaradda Lacagta Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay lacagihii soo galay Dowladda Sannadkii 2009 iyo sannadkan 2010, kaddib markii ay kulan yeesheen Shaqaalaha iyo agaasimayaasha Wasaaradda.

Wasiirka Lacagta Somalia C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) oo shir jaraa'id qabtay kaddib markii uu kulankooda soo dhamaaday ayaa sheegay in daqliga ugu badan uu dowladdu kasoo galo Dekedda Muqdisho oo ah isha ugu weyn ee ay ka helaan dhaqaalaha.

"Daqliga soo galay Dowladda Soomaaliya laga soo bilaabo bishii Jannaayo 2009 ilaa December 2009 wuxuu gaarayaa 11,529,563-Dollar (Kow iyo Toban Milyan, Shan Boqol Labaatan iyo Sagaal kun, Shan Boqol iyo Lixdan iyo Saddex), sidoo kale Jannaayo 2101 illaa May daqligii soo xarooday wuxuu gaarayaa 5,154,725-Dollar (Shan Milyan, Boqol konton iyo afar kun, todoba boqol iyo Shan iyo labaatan Dollar)" ayuu yiri Wasiirka Lacagta.

Wasiirku wuxuu sheegay in daqligaas oo dhan ay hayaan goobihii ay ku baxeen, isagoo sheegay inay diyaar u yihiin in lala xisaabtamo ayna hortagaan Baarlamaanka, wuxuuse gaashaanka ku dhuftay eedeymaha ay guddiga Maaliyadda u soo jeediyeen Wasaaraddiisa.

"Sababaha aan u soo bandhignay daqliga lacageed ee Dowladda Soomaaliya soo galay waa inaan dadka u caddeyno cadadka lacagta la helay, si ay dadka uga baxaan tuhunnada ah in wax isdaba-marin ah ay dhacday" ayuu yiri Wasiirka Lacagta Eng. C/raxmaan Yariisow.

Wasiirka Lacagta oo ah sii hayaha xafiiska Wasaaradda Maaliyadda ayaa shirkiisa jaraa'id ku sheegay in guddiga ku eedeeyay inuu lunsaday lacago ay Dowladdu leedahay uu ka doonayo inay la yimaadaan caddeymo muujinaya arrintaas.

Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka ayaa waxay dhawaan dacwad ka dhan ah 10-wasiir oo ka tirsan Dowladda Sooamaaliya u soo bandhigeen Saxaafadda iyagoo ugu dambeynna u gudbiyay Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka, waxaana ka mid ahaa Wasiirrada la eedeeyay Wasiirka Lacagta C/raxmaan Yariisow.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya