Aqoon Isweeydaarsi Loga hadlayaay Walidka iyo Ubadka oo lagu qabtay dalka Sweden


Isniin, May 31, 2010 (HOL) - Uruka isbaheysiga ummada Soomaaliyeed ee Swedan oo marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaano Somaliska Riksförbundet iyo Ururada gobolka Gävleborg ayaa shalay wexey si wadajira u qabteen aqoon is weydaarsi looga doodayey sida loo wanaajin karo xiriirka ilmaha iyo waalidka.
 
Ururka isbaheysiga ummada Soomaaliyeed iyo Ururadii  sida wadajirka ah u soo abaabuley aqoon isweydaarsigaan oo gaarayey ilaa shan Urur ayaa waxey kala ahaayeen  Somaliska Minoritets Organisation.Somaliska Kvinnor i Gävle, Ung Somalier i Gävle, Somaliska Kvinnor i Söderhämn, Somaliska Folkets Förening i Söderhamn.
 
Aqoon is weydaarsigaan oo ay ka soo qeyb galeen waalidiin Soomaaliyeed oo aad u tiro badan isuguna jirey Ragg iyo Haweenba ayaa waxey uga doodeen  xaaladda ay ku sugan yihiin caruurta soomaaliyeed ee ku nool dalka Swedan.

Ugu horeyntii waxaa halkaas casharo ku saabsan tarabiyada caruurta iyo marxaladaha kala duwan oo ay soo maraan ka soo jeediyey Gudoomiyaha Ururka isbaheysiga ummada Soomaaliyeed Abdulaahi Mahamed wuxuuna  ku dheeraadey xiliga ay ugu dhib badan yihiin caruurta oo ah inta u dhexeysa 13-19 isagoo sheegey iney jiraan sadex heer oo ay caruurtu soo maraan isla markaasna ay muhiim tahay in caruurta laga soo dhiso marxaladaha hoose intaan la soo gaarin marxalada sadexaad sidoo kale wuxuu ku nuuxnuuxsadey gudoomiyaha iney muhiim tahay in labada waalid ay isku mowqif ka yihiin sharciga guriga isla markaana caruurta la siiyo waqti.

Waalidiintii isugu timid halkaas ayaa waxeey si weyn uga doodeen dhibaatada qurbaha ku heysata caruurta Soomaaliyeed waxeyna xuseen sanadkaan in ay jiraan caruur badan in lagala wareegey waalidiintii dhalay.
 
dhanka kale waxaa isagana ka hadlay halkaas Gudoomiyaha Uruka Somaliska Minoritest Organisation Siciid Xeyd wuxuuna ugu baaqey bulshada reer Gävle iney ka faaideystaan Aqoon isweydaarsiyadan  oo kale isla markaana ay u gudbiyaan waalidiinta aan maantey nasiibka u yeelan in ey ka soo qeyb galaan,
 
dhamaan waalidiintii ka soo qeybgashey Aqoon isweydaarsigan oo aad ugu riyaaqsan ayaa wexey codsadeen in la badiyo Aqoon isweydaarsiyada noocaan oo kale ah oo ah kuwo ay aad ugu baahnaayeen  wexeyna amaan u soo jeediyeen Gudoomiyaha uruka isbaheysiga umada Soomaaliyeed iyo Ururada gobolka Gävleborg  guud ahaana Aqoon isweydaarsigii wuxuu ku soo gababowdey sidii loogu talo galey.
 
Fardowso sh Xasan Kuriya
Gävle Swedan