Isniin, May 31, 2010 (HOL) − Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Maaliyadda ee Baarlamaanka Soomaaliya Xildhibaan Maxamed Sheekh Cali (Woosh) oo saxaafadda kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay baqdin ka qabaan in guddigooda la kala diro.
Mudanuhu wuxuu sheegay in guddigooda uu muddo dheer baaritaanno ku hayay Wasiirro ka tirsan Dowladda oo lunsaday Hanti Qaran, kuwaasoo uu ka mid ahaa Wasiirkii Maaliyadda Shariif Xasan oo haatan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka.
"Guddoomiyaha Baarlamaanka Shariif Xasan wuxuu qorsheynayaa inuu kala diro guddigeena, maadaama uu ku guuleystay xilka ugu sarreeya Baarlamaanka, sidoo kalena waxaa burburay dacwaddii loo haystay" ayuu yiri Xildhibaan Max'ed Woosh.
Xildhibaankan wuxuu sheegay in guddoomiyahooda uu safar dibaddaha kasoo laabtay shalay uuna ku wareejiyay xilka, isagoo ku tilmaamay doorashadii uu kusoo baxay Shariif Xasan Sheekh Aadan inay ahayd mid aan sharciga waafaqsanayn.
Mudanayaasha ka tirsan guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxay buuq ku kiciyeen Xildhibaan Shariif Xasan markii uu doonayay inuu jeediyo aragtidiisa ku aaddan wuxuu qabanayo markii uu xilka ku guuleysto.
Guddigan ayaa waxay sidoo kale dacwad ka dhan ah 10-wasiir oo uu ku jiray Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo loo doortay Guddoomiyaha cusub ee Baarlamaanka Shariif Xasan Sheekh Aadan ay u gudbiyeen Xeer Ilaaliyaha guud ee Qaranka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Guddiga Maaliyadda Baarlamaanka Soomaaliya oo sheegay inay baqdin ka qabaan in la kala diro, maadaama uu Shariif Xasan guuleystay
More News
- Wararkii ugu danbeeyay ee xaalada magaalada Beledweyne
- Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo tababar kusoo qaatay dalka dibadiisa oo maanta socod ku maray Waddada Makka Al-Mukarrama
- Wasaaradda Lacagta Soomaaliya oo maanta soo bandhigtay lacagihii soo galay Dowladda Soomaaliya tan iyo sannadkii hore
- Ururka Xisbul Islaam oo maanta amar ku bixiyay in la xiro Xafiisyada Telefishinka Universal uu ku leeyahay dalka Soomaaliya
- Aqoon,Isweydaarsi looga hadlayay Waalidka iyo Dhallaanka oo lagu qabtay dalka Sweden (DAAWO SAWIRRO)
- Agaasimaha guud ee Telefishinka Universal oo Xarrakatul Shabaab ka dalbaday inay ka laabtaan go'aankii ay ka qaateen Telefishinka
- Dagaallo u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo xalay ka dhacay degmada Ceelbarde ee Gobolka Bakool
- Aqoon Isweeydaarsi Loga hadlayaay Walidka iyo Ubadka oo lagu qabtay dalka Sweden
- Ciidamo ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo la wareegay deegaannka Jante-kuundisho ee Magaalada Beledweyne.