Talaado, September 07 (HOL) - Shilkaan baabuur oo ay ku dhaawacmeen ku dhowaad ilaa 7 qof ayaa waxa maanta gelinkii danbe uu ka dhacay deegaanka goobweyn oo qiyaastii 15Km dhanka waqooyi kaga beegan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.
Shilkan gaari ayaa yimid kadib markii gaari nooca loo yaqaan Marketka oo siday qaad islamarkaasina ay saarnaayeen tiro dad ah, kuna socday xawaare aad u sareeya uu ku rogmaday deegaanka Goobweyn, xilli uu ku soo socday dhanka magaalada Kismaayo, waxaana uu dhaawac halis ah kasoo gaaray darawalkii iyo dadkii saarnaa gaarigaasi.
Dhaawaca dadkii ku waxyeeloobay shilka ayaa la gaarsiiyay isbitalka guud ee magaalada Kismaayo si loogu daweeyo, waxaana qaar katirsan dadkaasi uu dhaawacoodu ahaa mid halis ah.
Ma ahan markii ugu horeeysay ee uu shil gaari ka dhaco magaalada Kismaayo iyo deegaanada ku dhow dhow, dabayaaqadii bishii hore ayay ahayd markii shil gaari oo ceynkan oo kale ah oo ka dhacay gudaha magaalada Kismaayo ay ku dhaawacmeen dad gaarayay ku dhowaad ilaa 13 qof, waxaana shilalka gaari ee ka dhaca gobolkan j/hoose ay noqdeen kuwo isa soo taraya, iyadoo arintaasi loo aaneynayo wadeyaasha gaadiidka oo aan qibrad fiican u lahayn shuruucda darawallada.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya