Talaado, September 07, 2010 (HOL) − Ugu yaraan toddoba qof ayaa ku dhintay, in ku dhow 20-qof oo kalena way ku dhaawacmeen dagaalo saf ballaaran oo tan iyo xalay ku dhexmaraya Muqdisho ciidamada dowladda kuwa AMISOM iyo Xarrakatul Shabaab.
Dagaalladan oo ka dhacaya degmooyinka Boondheere, Shibbis iyo C/casiis oo dhamaantood ku yaalla waqooyiga Muqdisho ayaa waxaa barbar socda duqeymo culus oo ay labada dhinac dagaalka u adeegsanayaan, kuwaasoo qaarkood ku dhacay degmooyin ka fog goobaha dagaalka.
Mid ka mid ah madaafiic ku dhacay degmada Huriwaa, gaar ahaan agaagaarka Isbitaalka SOS ayaa sababay dhaawaca ugu yaraan lix caruur ah, iyadoo degmadan ay aad uga fogtahay degmooyinka lagu dagaalamayo.
Goobjoogayaal tiro yar oo ku harsan degmada Boondheere ayaa u sheegay HOL in dagaalladu ay xalay bilowdeen welina socdaan, iyagoo xusay in dagaaladan ay yihiin kuwii ugu xoogga badnaa ee todobaadkan ka dhaca degmadooda.
Xarrakatul Shaaabul Mujaahidiin ayaa sheegay in iyagu ay weerarrada ku qaadeen saldhigyo ay ciidamada dowladdu ku lahaayeen degmooyinka ay dagaalladu ka socdaan, kuwaasoo ay mar kale dagaalladu saakay dib uga qarxeen.
Inkastoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac kala gaaray, haddana waxaa jira khasaare labada ciidan kala gaaray, iyadoo koox walba ay dadaal ugu jirto inay degmooyinka ay gobolka kaga sugan yihiin kooxda kale ay la wareegto.
Dagaalladan oo daba socda dagaallo labadii todobaad ee lasoo dhaafay ka dhacayay Muqdisho ayaa sababay dhimashada in ka badan 120-qof oo shacab ah, iyadoo tiro ka badan 300-qof oo kalena ay dhaawacyo kala duwan ka gaareen.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya