Talaado, September 07, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa ka hadlya mowqifkiisa ku aaddan dastuurka cusub ee qabyada ah, isagoo saxaafadda Muqdisho la hadlay xalay xilli uu ku sugnaa dalka Kenya.
"Dastuurka cusub ee dalka loo qorayo waxaan u arakaa inuu yahay muhiimad weyn oo dan u ah dalka iyo shacabka Soomaaliyeed, waxaana qabaa in looga bixi karo xilliga KMG ah, si ay noogu suurogasho inaan dib u helo lacagihii Soomaaliya loogu talogalay oo ku xayiran bankiyada calaamka," ayuu yiri Sharma'arke.
Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya wuxuu gaashaanka ku dhuftay inuu jiro khilaaf u dhexeeya isaga iyo Madaxweyne Sheekh Shariif, isagoo sheegay in khilaafkooda uu ku saleysan yahay oo keilya dastuurka cusub, uuna rajeynayo inay dib u eegaan.
"Ma jirto khilaaf shaqsi ah oo noo dhexeeya aniga iyo Madaxweyne Shariif, waa mid ku saleysan dastuurka cusub, waxaa dastuurkan taageersan Shariif Xasan dhawaan ayaana la horgeynayaa xildhibaannada si ay u ansixiyaan," ayuu Sharma'arke ku sheegay hadalkiisa.
Khilaafka ka dhashay dastuurka qabyada ah ee loo sameynayo Soomaaliya ayaa gaaray heer aad u sarreeya, iyadoo labada mas'uul ee dowladda ay saxaafadda isku mariyeen saxaafadda hadallo kulul oo dastuurka ku saabsan.
Mudane Sharma'arke, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya inuu dabada ka riixayo diyaarinta mooshin lagu ridayo xukuumadda, taasoo uu sheegay inay khatar ku tahay jiritaanka DKMG, uuna rajeynayo in baarlamaanku uu ka hortago.
Ra'iisul wasaaruhu, wuxuu sidoo kale ka hadlay mushaar la'aanta haysata ciidamada dowladda, isagoo sheegay in sababaha uu u joogo ay tahay sidii mushaaraad ay u heli lahaayeen ciidammada dowladda bil walba, isagoo sheegay mushaarkooda oo yaalla Nairobi uu ka maqnaan jiray muddo afar bilood ku dhow.
Dhanka kale, ra'iisul wasaruhu wuxuu ka hadlay xil ka qaadis uu Madaxweynaha Soomaaliya ku sameeyay taliyaha ciidamadda xoogga dalka, taasoo uu sheegay inuusan la socon, balse uu maqlay, uuna u kuurgeli doono markii uu dalka ku laabto.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya