Talaado, September 07, 2010 (HOL) − Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo DKMG ah ayaa guulo ka kala sheegtay dagaallo tan iyo xalay ku dhexmaray magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmooyinka waqooyi.
Afhayeenka Xarrakatul Shabaab ee dhinaca ciidamada Sheekh C/casiis Abuu-muscab oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in dagaallo ka dhacay degmooyinka Boondheere iyo C/casiis ay guulo ka gaareen uuna haatan dagaalku marayo degmada Shingaani.
"Weerarro aan ku qaadnay fariisimo ay ciidammada dowladda iyo kuwa AMISOM kaga sugnaayeen degmooyinka C/casiis, Shingaani iyo Boondheere ayaan ka gaarnay guulo la taaban karo, waxaana ku dilnay tiro ciidamo ah," ayuu yiri Sheekh C/casiis Abuu-muscab.
Sheekha, ayaa sheegay in dagaalladaas ay waxyeello ugu geysteen mid ka mid ah taangiyadii ay AMISOM dagaalka uga qaybqaadanaysay, isagoo sheegay in dagaalladu ay sii socon doonaan inta ay la wareegayaan goobaha ay dowladdu ku sugan tahay.
"Mujaahidiintu waxay gacanta ku hayaan xarumaha ay ka mid yihiin Fiisho Baraa, xaruntii ciidamada taraafiigga ee Muqdisho, saldhigga bari iyo garoonkii Luujino," ayuu yiri afhayeenka u hadlay Xarrakatul Shabaab.
Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in ciidammada Xarrakatul ay ku sugan yihiin goobaha ay sheegeen inay kala wareegeen dowladda, waxaana dadkii ku noolaa degmada Shingaani ay bilaabeen inay degmadaas ka barakacaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa iyaduna sheegtay inay guulo ka gaartay dagaalka, iyadoo afhayeenka wasaaradda warfaafinta Sheekh C/risaaq Qaylow uu sheegay in ciidammada dowladdu ay ku sugan yihiin goobihii ay dagaalladu ka dhaceen.
Iskahorimaadyada iyo duqeymaha tan iyo xalay ka socday Muqdisho ayaa waxaa ku dhintay shan qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 25-qof oo kale, sida wararka lagu hayo, inkastoo ay jiraan khasaarooyin labada dhinac kala gaaray oo aan tiro ahaan la ogeyn.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya