Talaado, September 07, 2010 (HOL) − Wakiilka Xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay u qaabilsan ee arrimaha Soomaaliya Augustine P. Mahiga ayaa shalay booqasho gaaban ku tagay Muqdisho, wuxuuna kulan la qaatay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Waa markii labaad oo Muqdisho uu booqsho ku tago Mahiga muddo hal todobaad ah sida lagu sheegay warsaxaafadeed ay soo saartay dowladda Soomaaliya, uuna ku saxiixnaa wasiirka warfaafinta C/raxmaan Cumar Cismaan (Inj. Yariisow).
"Waxaan ku faraxsanahay in danjire Mahiga uu mar kale Muqdisho ugu soo laabto si dhaqso ah, kaddib booqasho uu ku yimid todobaadkii tagay isagoo la socda wafdi ka socda Qarammada Midoobay oo uu hoggaaminayay Lynn Pascoe," ayuu Sheekh Shariif ku yiri warsaxaafadeedka.
Danjire Mahiga iyo Madaxweyne Shariif ayaa kulankooda uga wadahadlay arrimo ay ka mid yihiin amniga, xaaladaha bani'aadamnimo iyo siyaasadda, isagoo uga mahad-celiyay ergayga UN-ka booqashadiisa labaad ee Muqdisho.
Ergayag ayaa la sheegay in Madaxweynaha uu soo gaarsiiyay warqad casuumaad ah oo uu kaga qaygalayo shirka guud ee Qarammada Midoobay oo dabayaaqada bishan ka dhici doona magaalada New York ee dalka Mareykanka.
Mahiga ayaa hoosta ka xariiqay sida ay muhiim u tahay in Qarammada Midoobay iyo dowladda Soomaaliya ay u wada shaqeyn lahaayeen, gaar ahaan sida isaga iyo xubnaha la shaqeeya ay booqashooyin kale ugu iman lahaayeen Muqdisho si u kala war-qaataan.
Ugu dambeyn Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa ka codasday Qarammada Midoobay inay gacan ka siiyaan xukuumaddiisa iyo shacabka Soomaaliyeed sidii dib loogu soo celin lahaa nabadda iyo kala dambeynta Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya