Burcadbadeed Soomaaliyeed oo Maxkamad ku taalla dalka Kenya ay ku riday xukun

Talaado, September 07, 2010 (HOL) − Toddoba burcadbadeed Soomaaliyeed ah ayaa maxkamad ku taalla Magaalada Mombassa ee dalka Kenya la horkeenay iyagoo ku eedeysan falal burcadbadeednimo waxay Isniintii shalay ku xukuntay min shan sano oo xabsi ah.

Burcadbadeeddan ayaa lagu eedeeyay inay weerareen markab laga leeyahay dalka Jarmalka oo lagu magacaabo MV Spessart bishii Maarso ee sannadkan, iyo inay rasaas ku fureen shaqaalihii markabkaas la socday.

Maxkamadda ayaa sheegtay in kooxdan la xukumay lagu qabtay hub kala duwan oo ay ku fulinayeen weerarradooda burcadbadeednimo, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen qoryaha darandoorriga u dhaca ee AK-47, baasuukayaal, middiyo iyo hub kale oo ay u isticmaalayeen inay ku argagax-geliyaan shaqaalaha markabka.

Ciidamada la dagaalanka burcadbadeedda ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa u gacangeliyay kooxdan dowladda Kenya, waxayna ka mid noqdeen saaxiibbo horay loogu xumay dalka Kenya, kuwaasoo la dul-dhigay xabsiyo u dhexeeya toddoba sano illaa 20-sano.

Qaaliga Maxkamadda xukunkan ridday oo lagu magacaabo Magistrate Rosemelle Mutoka ayaa sheegay in xabsigan uu yahay farriin ku socota dhalliyarada Soomaalida ah ee weli gacanta kula jira falalka burcadbadeednimo.

Mid ka mid ah burcadda la xukumay oo lagu magacaabo Maxamed Axmed ayaa yiri markii uu xukunku dhacay: "Waa nala dhaqan-celiyay intii aan xabsiga ku jirnay, waxaana joognay xilligii naloo adeegsan lahaa olole ka dhan ah burcadbadeednimada, balse aad ayaan uga xunnahay wixii dhacay [Xukunka], muddaddii aan xabsiga ku jirnay ayaana noogu filayd ciqaab."

Dalka Kenya ayaa ka mid ah dalalka Afrika ee horay u aqbalay in lagu xiro laguna maxkamadeeyo burcadbadeedda lagu soo qabqabto badweynta Hindiya iyagoo ku gudo-jira weerarro ay ku qabsanayaan maraakiibta ganacsiga ee baddaas mara.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya