Talaado, September 07, 2010 (HOL) − Xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya qaarkood ayaa Muqdisho kawada olole ay kaga soo horjeedaan dastuurka cusub ee ay soo bandhigtay dowladda KMG ah, waxaana mudanayaashaas ay sheegeen in xilligan aysan habboonayn in la dastuur cusub la sameeyo.
"Dastuurka cusub ma ahan mid hadda shaqeyn kara, waayo dowladdu waxay horay u qaaday ku dhaqanka shareecada Islaamka, waxaana dastuurka cusub looga baahan yahay inuu noqdo mid ku dhisan Islaamka, shacabkuna ay fikirkooda ka dhiibteen," ayuu yiri Mudane Maxamed Sheekh Yuusuf oo ka mid ah mudanayaasha ololaha wada.
Xildhibaanku, wuxuu sheegay in xilligan aanay jirin nabad shacabka looga qaadi karo codadkooda iyo afti, waxaana soo jeedin lahaa in marka la gaaro xilli afti laga qaadi karo shacabka lasoo bandhigo dastuur cusub.
Dastuurka qabyada ah ee ay soo bandhigay DKMG ah ayaa khilaaf soo dhex-geliyay baarlamaanka, iyadoo ra'iisul wasaare Sharma'arke uu ku adkeysanayo in dastuurku uu yahay mid looga gudbi karo KMG oo soo taagnaa muddo 20-sano ah.
"Qoraalka dastuurka qaabka lagu wado waa mid qaldan, kana soo horjeeda Axdiga ay dowladdu ku dhaqanto, waayo qodobka 11-aad ee Axdiga wuxuu qorayaa in jaangoynta siyaasadeed ay leedahay xukuumadda, balse ay kala taashato baarlamaanka," ayuu yiri xildhibaan Cumar Islow oo ka mid ah xildhibaannada kasoo horjeeda dastuurka.
Mudane Islow, wuxuu sheegay in xukuumadda aysan u marin qoraalka dastuurkan qabyada ah baarlamaanka, sidoo kalena aan la ansixin guddiga ku howlan, sidaa daraadeedna uu yahay mid aan sharci ku fadhin, isla markaana aan la qaadan karin.
Ra'iisul wasaaraha ayuu ku eedeeyay inuu qoray warqad khatar ah uu diray, taasoo uu ku sheegay in bisha Feberaayo ee sannadka 2011, laga bixi doono hannaanka KMG ah, wuxuuna xildhibaan Islow sheegay in xilliga KMG ah looga bixi karo doorasho.
Mudanayaashan ayaa rumeysan in dowladdu ay kaga bixi karto hannaanka ay ku dhinsan tahay ee KMG ah iyadoo la qabto doorashooyin ay shacabku ku soo doortaan hoggaankooda, sida ka dhacday Puntland iyo Somaliland oo kale.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya