Guddiga madaxa-bannaan ee dastuurka DKMG ah oo shacabka u soo bandhigay dastuurka cusub

Arbaco, September 01, 2010 (HOL) − Guddiga madaxa-bannaan ee qoridda dastuurka Soomaaliya ayaa maanta u soo bandhigay shacabka Muqdisho nuqulka qabyada ah ee dastuurka, iyagoo sheegay in shacabka laga doonayo inay talooyin kasoo bixiyaan.

"Bandhiggan waa mid aan ku doonayno inaan kula tashano shacabka Soomaaliyeed, waxaana qaadanaynaa fikirka ka yimaada shacabka, si loo soo saaro daraafkii ugu dambeeyay ee dastuurka," ayay tiri guddoomiyaha guddigan Sahro Cumar Maalin oo saxaafadda la hadashay.

Sahro, waxay sheegtay in dastuurkan uu noqon doono mid lagu dhaqo Soomaaliya, ayna nuqulkii ugu horreeyay siiyeen madaxweynaha weynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, madaxda kale ee dowladdana ay u gudbiyeen.

"Waxaan ka doonaynaa qof walba oo Soomaali ah inuu nuqulkan aqriyo uuna kasoo jawaabo su'aalo laga weydiiyay, qodob walba oo uu ku qanco waxaan u banneynay meel uu ku qoro haa, haddii uusan ku qancinna uu kusoo qoro fikirkiisa," ayay tiri Sahro Cumar.

Sidoo kale waxay sheegtay in dastuurkan ay u gudbiyeen maamul goboleedka Puntland iyo maamulka Galmudug, si ay iyaguna uga soo talo-bixiyaan, uguna gudbiyaan shacabka ay maamulaan.

Dastuurkan cusub oo lagu soo qoray dalka Jabuuti ayuu wasiirka warfaafinta dowladda KMG ah sheegay inuu noqon doono mid badala dastuurkii Soomaaliya ee la dajiyay sannadkii 1960-kii.

Mudayaal badan oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa gaashaanka ku dhuftay dastuurkan, iyagoo u cuskaday mucaaradadooda inaan laga ansixin guddiga loo xirsaaray qoraalkiisa baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya