Arbaco, September 01, 2010 (HOL) − Maamulka Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab ayaa maanta kusoo bandhigay suuqa Bakaaraha laba baabuur oo Ambalaasyo ah, kuwaasoo ay sheegeen in lagu qaadi doono dhaawacyada ka dhasha dagaallada ka socda Muqdisho.
"Mar haddii aanu cadowgu joojinayn dhibaateynta uu ku hayo shacabka, waxaan go'aansannay inaan baabuurtan howlgelinno, si aan dhaawacyada loogu qaadi qaadin gaari-gacanno, waxaana ku rajoweynnahay inaan kordhino," ayuu yiri Sheekh Cali Maxamed Xuseen.
Guddoomiyuhu, wuxuu sheegay in gaadiidkan ay ugu shaqeyn doonaan qof walba oo Soomaali ah, ayna tagi doonaan meel walba oo looga yeero si ay dhaawacyo uga qaadaan, isagoo sheegay inay gaadiidku la socdaan kalkaaliyeyaal caafimaad.
Dadweyne badan ayaa soo buuxiyay halka laug soo bandhigay, kuwaasoo soo dhaweeyay ku tilmaamay tallaabo horay loo qaaday, waxaana Xarrakadu ay soo bandhigtay gaadiidkan iyadoo maalintii 10-aad uu Muqdisho ka socda dagaal ay ugu magacdareen Nihaayatun Muctadiin.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa horay uga shaqeynayay Ambalaasyo ay hirgeliyeen Shirkadaha Nation-Link iyo Life Line Afrika iyo weliba Amin Voluntery Ambulance, kuwaasoo qaadayay tan iyo sannadkii hore dhaawacyada ka dhasha dagaallada Muqdisho ka dhaca.
Sheekh Cali, wuxuu beeniyay eedeyn kaga timid DKMG ah iyo AMISOM taasoo ah inay madaafiicda kasoo dhextuuraan goobaha ay shacabku ku badan yihiin, sida suuqa Bakaaraha, isagoo taas ku tilmaamay been ayna tahay marmarsiiyo lagu doonaoy in lagu duqeeyo suuqa.
Dhanka kale, Xarrakatul Shabaab waxay soo bandhigtay sarkaal magaciisa ku sheegay C/raxmaan Axmed Cabdi oo sheegay inuu kasoo goostay dowladda KMG ah, wuxuuna soo goosashadiisa sabab uga dhigay inuu u adkeysan waayay duqeynta AMISOM ay ku hayso Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya