Arbaco, Septem, 1, 2010 (HOL) Wararka laga hellayo magaalada Gaalkacyo ee goballka Mudug ayaa sheegaya in xalay fiidkii hore lagu dillay xaafada Garsoor Wariye ka tirsnaa Idaacada Daljir kaa oo lagu magacaabi jirray C/qaadir Cumar Geeddi.
Dilka Wariyaha ayaa sida waraku sheegayaan waxaa loo adeegsaday Mindiyo ama (Tooreey) waxaana markiiba goobta dilku ka dhacay ka baxsday kooxihii falka geystay, iyada oo waxaana markii danbe meydka marxuumka loo qaaday Isbitaalka guud ee magaalada Gaalkacyo.
Lama garanayo sababta keentay dilka Wariye C/qaadir Cumar Geedi, dhinaca kalana ilaa hadda ma'jirrto cid ciidamada Amaanku u soo qabteen dilkiisa, walow wararka ka imaya magaalada Gaalkacyo sheegayaan in uu jirro baaritaan la xiriira dalka Wariye Geedi.
Sanadihii ugu danbeeyay guud ahaa dalka Soomaaliya caadi ayeey ka aheyd dilalka iyo dacadiyda kale ee lagula kaco bahada Saxaafadda, laakiin magaalada Gaalkacayo ma'aheyn mid ay ku badan yihiin dilalka Wariyayaasha inkastoo ay la kulmaan inta badan xariga iyo hajabaado.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya