Maxamed Dheere oo beeniyay in la qabsaday gurigiisa eedeynna u jeediyay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin

Arbaco, September 01, 2010 (HOL) − Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ahaana duqii Muqdisho Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho shalay ayaa ka hadlay dagaallada todobaadkii labaad galay ee u dhexeeya dowladda iyo xoogagga kasoo horjeeda.

Maxamed Dheere ayaa beeniyay in Xarrakatul Shabaab ay la wareegeen guriga uu ka dagan yahay Muqdisho oo ku dhow Hotel Jubba oo ah goobta ay dagaallada ugu xooggan ka dhacaayeen maalmihii la soo dhaafay.

"Gurigeyga lama qabsan, waana been wararkaas," ayuu yiri Maxamed Dheere oo ku daray intaas: "dagaalladu waa kuwo ku dhow, balse lama qabsan." isagoo xusay inuu weli daggan yahay gurigiisa oo aad loogu dhow yahay.

Xoogagga Xarrakatul Shabaab oo dagaal muddo laba todobaad galay ah kula jira dowladda KMG ah iyo ciidamada ay gacanta ka helayaan ee AMISOM ayaa ku siqaya goobihii ay dowladdu gacanta ku haysay, sida degmada Shingaani oo uu ku yaallo guriga Maxamed Dheere.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir ayaa ku eedeeyay Xarrakatul Shabaab inay mas'uul ka tahay dadka ku dhimanaya dagaallada socda, wuxuuna xusay in dadka ku dhintay madaafiicda ay tuurto Xarrakatul Shabaab iyo madaafiicda jawaabta ah dadka ku dhinta ay dhamaantood shacab yihiin.

"Madaafiicda la isku weydaarsanayo Muqdisho waxaa ku dhimanaya rayid, waxaana mas'uul ka ah Al-shabaab oo go'aansatay inay dagaal billowdo, shacabkuna waa dhibban yahay, waxaana u rajeynayaa in sida ugu dhaqsiyaha badan uu Alle dhibka uga qaado," ayuu yiri Maxamed Dheere.

Mas'uulkan ayaa warar aanay HOL xaqiijin waxay sheegayaan inuu qayb ka yahay hoggaanka dagaallada ka socda Muqdisho, isagoo caawinaya ciidamada DKMG ah oo difaacaya meelo ku dhow Madaxtooyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya