Guddiga Dabogalka Xuquuqda Aadanaha ee Sharmoc oo ka digay ciidammo dheeraad ah oo loo diro Soomaaliya

Arbaco, September 01, 2010 (HOL) − Guddiga Dabagalka Xuquuqda Aadanaha Soomaaliyeed ee (Sharmoc) ayaa ka digay in ciidamo hor leh loo diro Soomalaiya, waxaana ay ku baaqeen in la joojiyo dagaallada ay ku daadanayaan dhiigga shacabka Soomaaliyeed ee ka socda Muqdisho.

Guddigu wuxuu uga baaqay dalka Yugaandha inaysan sii hurin dagaallada ka socda Soomaaliya oo ay ciidammadooda ku sugan Muqdisho qaybta ka yihiin, aysanna u dirin ciidamo dheeraad ah.

"Tallaabada ay dowladda Yugaandha ku sheegtay in ay ciidamo gaaraya 10-kun oo askari oo xoojin u ah ugu dirayso Soomaaliya waa mid walaac iyo welwel hor leh ku beertay ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan shacabka Muqdisho ku nool oo la daalaa-dhacaya dhibaato xooggan ay kasoo gaartay duqaymo loo adeegsaday madaafiic casri ah oo gaystay xasuuq iyo burburka qaybo ka mid ah Muqdisho," ayaa lagu yiri warka kasoo baxay guddiga Sharmoc.

Guddigu wuxuu ku tilmaamay soo dhoweynta DKMG ah ay soo dhaweysay in ciidamo dheeraad ah la geeyo dalka tallaabo aan laga fiirsan, iyagoo ku sheegay inay tahay mid ciribtiraysa rajadii ummadda Soomaaliyeed ay ka qabeen inay u adeegsato dajibta dalka xeelado kale iyo wada-xaajood macquul ah.

Warsaxaafadeedka guddiga Sharmoc ayaa lagu yiri: "Waxaan Qarammada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub iyo dalalka deeqaha siiya AMISOM inaysan waxa taageero ah ama ogolaansho kusiin inay ciidamo dheeraad ah geeyaan Soomaaliya."

Sidoo kale guddigu wuxuu sheegay in taas badalkeeda ay waqti iyo dhaqaalaba ku bixiyaan sidii nabadda iyo dib-u-heshiisiin Soomaaliya loo taageeri lahaa.

Dhinaca kale, guddiga Sharmoc, wuxuu cambaareeyay falalkii lagu qarxiyay gaadiid sida dadweyne ka rawaxayey Muqdisho, taasoo ka dhacday meel ku dhow Kuulliyadii hore ee Jaalle Siyaad laguna dilay 12-qof oo haween u badan, halka lagu dhaawacay 30-qof oo kale.

Qaraxan ayaanay jirin cid sheegatay mas'uuliyaddiisa, waxaana lagu daweynayaa dadkii ay dhaawacyadu kasoo gaareen Isbitaallada Muqdisho, iyadoo mid ka md ah gaadiidkii la qarxiyay uu burburay.

Ugu dambeyn guddigu wuxuu ku baaqay in la joojiyo dagaallada ka socda Muqdisho oo ay ku dhimanayaan dadka fara badan ee aan waxba galabsan, waxaana labada dhinac ee uu u dhexeeyo ay ugu baaqeen inay wadahadal ku dhameeyaan khilaafka u dhexeeya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya