Kullankii Golaha Deegaanka Galkacyo oo Maanta Buuq Ku Soo Dhamaaday

Arbaco, September 01, 2010 (HOL) − Kulan ay maanta magaalada Galkacyo ku yeesheen xildhibaanada golaha deegaanka degmaadaasi ayaa ku soo  dhamaaday buuq iyo khilaaf u dhaxeeya mudanayaashi soo xaadiray oo qaybo badan isugu jiray.

Waxa uu khilaafkan  ka dhashay qodobo laga doodayay oo ay ka mid ahaayeen in wax laga badalo habka ay u shaqeeyaan golaha deegaanka Galkacyo.

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Punltand Cabdi Yaasiin oo ka mid ahaa masuuliyiintii ka qayb galay kalfadhiga ayaa la sheegay in uu goobta uu shirka ka socday isaga baxay ,isaga  oo ka caraysan sida ay wax u socdaan.

"Waxa uu wasiirka waday dhambaal ku socda madaxwaynaha oo ku aadan hormarinta shaqada golaha deegaanka " ayuu yiri mudane ka tirsan golaha deegaanka oo HOL u waramay.

Xildhibaanada golaha deeganka qaarkood ee Galkacyo ayaa qaba in khilaafkan uu sababi karo in mar kale la kala diro golaha deegaanka oo maanta kulankoodi isku khilaafay,kaasi oo ahaa kii sedexaad.

Ugu danbayntii wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Punltand ayaa warbaahinta ka sheegay in xildhibaanada looga baahanyahay ilaalinta dastuurka dowlada ,isla markaana laga hortago khilaafaadyo hor leh oo ka dhex dhasha golaha deegaanka.

Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
Boosaaso,Soomaaliya