Ardayda cusub ee ku biiraysa Jaamacadda Muqdisho oo uu u bilowday Toddobaadka dhaqanka (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, September 01, 2010 (HOL) − Waxaa maalintii shalay oo ay Taariikhdu ahayd 31/08/2010 si rasmi ah uga furmay Jaamacadda Muqdisho todobaadka dhaqanka ee jaamacada Muqdisho oo lagu soo dhaweynayo ardayda cusub ee sannad wax-barashadeedka 2010-2011 ka.

Toddobaadkan oo ay ardada cusub ku qaataan aqoon-dheeri ah laguna baro habka ardayga jaamacada kusoo biiraya laga rabo inuu u dhaqmo inta uu ku guda jiro hayaankiisa waxbarasho.

Ugu horreyn waxaa halkaasi ka hadlay Masuulka qaabilsan arrimaha ardayda jaamacada Muqdisho Maxamuud Sheekh Cali oo ardayda cusub kusoo dhaweeyay gacmo furan wuxuuna kula dardaarmay inay noqdaan kuwo waqtigooda ka faa'iideysta isagoo u rajeeyay horumar.


Waxaa isna halkaasi hadal kooban ka jeediyay diiwaan-hayaha guud ee jaamacadda Muqdisho Dr Maxamed Xuseen Ciise (Liibaan) oo ka warbixiyay taariikhda jaamacada Muqdisho iyo heererkii ay soo martay iyo yoolka ay haatan hiigsaneyso, wuxuuna ardayda kula dardaarmay inay muujiyaan dulqaad iyo adkeysi fara badan inta ay ku jiraan waxbarashada iyo xaaladda ay wax ku baranayaan.

Jaamacadda Muqdisho ayaa horseed u noqotay inay bulshada Soomaaliyeed u gudbiso waxbarasho tayo leh dadka iyo dalkana u horseedo tacliin tayo leh laguna diirsaday.

Jaamacaddu waxay dadka Soomaaliyeed ee kala jooga dalka gudihiisa iyo dibadiisa ku abuurtay kalsooni ay dalkooda iyo dadkooda wax ugu qaban karaan, taasna waxaa daliil u ah markii ay jaamacadda Muqdisho la arkay howsha baaxada leh ee ay bulshada u hayso.

Tan iyo markii la furay jaamacadda Muqdisho waxaa ka qalin-jabiyay 10-dufcadood oo ka baxay kulliyadaha kala duwan ee ay jaamacaddu ka kooban tahay, kuwaasoo u badan cilmi.






Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya