Beesha Caalamka oo goob-joog ka ahayd Heshiis ay wada-jir u saxeexdeen Madaxweyne Rayaale iyo labada Guddoomiye Xisbi Mucaarad ee Somaliland (DAAWO SAWIRRO)


Arbaco, 30 September 2009 (HOL): Madaxweynaha Somaliland Daahir Rayaale Kaahin iyo labada Guddoomiye Xisbi ee UCID Faysal Cali Waraabe iyo KULMIYE Axmed Maxamed (Siilaanyo), ayaa maanta si wada-jir ah Qalinka ugu duugay Heshiis ay hore u aqbaleen oo ay soo hordhigeen Beesha Caalamku.

Munaasibadda kala saxeexashada Heshiiskan ayaa waxa goob-joog ka ahaa Shirguddoonka labada Gole Baarlamaan ee Somaliland ee Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan iyo Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), Weftiyo kala duwan oo Beesha Caalamka ka socday, isla markaana ay metelayeen Wefi ka socda Dawladda Ingiriiska oo uu hoggaaminayo Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya iyo sidoo kale Wefti ka socda Dawladda Itoobiya.

Inkasta oo Warbaahinta ay ka mid yihiin Shabakaddaha Internet-ku ay dibedda ka joogeen Munaasibaddan, haddana Heshiiskan waxa  Xisbiyada Siyaasadda u metelayay, isla markaana iyagu saxeexay  Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin oo ah guddoomiyaha UDUB, Guddoomiyaha KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe. Waxaanay Masuuliyiintan oo halkaa ka hadlay u mahad-naqeen Beesha Caalamka iyo Ururada Bulshada Somaliland ee ka qayb-qaatay dedaalladii wada-hadalladii lagu xallilayay khilaafaadka dalka.

Waxa sidoo kale halkaa ka hadlay Safiir-ku-xigeenka Safaaradda Ingiriiska ee Itoobiya Mr. John Marshall iyo Madaxa Shaqaalaha ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Itoobiya oo horkacayay Weftiga Itoobiya ka socday. Waxaanay dhinacyada Heshiiska kala saxeexday ugu baaqeen inay hirgeliyaan oo ay fuliyaan Heshiiskan.

Sidoo kale, waxa halkaa ka hadlay Guddoomiyayaasha labada Aqal Baarlamaan ee Somaliland ee Guurtida iyo Wakiilada. Waxaanay mahad-naq u jeediyeen Beesha Caalamka iyo Bulshada Somaliland. waxaanay dhinacyada Siyaasadda ugu baaqeen inay hirgeliyaan heshiiskan. 






Barkhad M. Kaariye  Hiiraan Online
[email protected]
Hargeisa, Somaliland