Maamulka Xisbul Islaam oo dib ula wareegay Beledweyne

Arbaco, 30, Sep, 2009 (HOL) goor dhaw ayaa Magaalada Beledweyne waxaa gudaha u soo galay Ciidamo ka tirsan Ururka Xisbul Islaam oo uu horkacayo Guddoomiyaha Goballka Hiiraan Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow, kadib markii ay xalay Magaalada isaga baxeen Ciidamadii Dowladda ee labo cisho ka hor la wareegay Magaalada Beledweyne.
 
Ka hor inta aysan soo galin Magaalada Ciidamada Ururka Xisbul Islaam waxaa xarunta Maamulka Goballka Hiiraan iyo Saldhiga Baliiska lagu arkayay dhaliyaro gudaha iska abaabushay kuwaa oo sheegay in ay ka tirsan yihiin Maamulka uu hogaamiyo Shiikh C/raxmaan Ibraahim Macow.
 
Guddoomiyaha Goballka Hiiraan oo Wareysi siinayay Laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da ayaa sheegay in markii hore ay magaalada uga baxeen sababo la xiriira in aan lagu dul dagaalamin dadka rayidka, waxaana uu intaa ku daray in hadda  isaga iyo ciidankiisa ku sugan yihiin Magaalada Beledweyne.
 
Dhinaca kale mar wax laga weydiiyay Guddoomiyaha waxa ka jira in Darawalkiisa lagu dhaawacay degmada Buula-burte ee Goballka Hiiraan, waxaa uu sheegay in arrintaasi jirto islamarkaana ay ka hishiiyeen iyaga iyo Maamulka Xarakadu Shabaabul Mujaahidiin ee degmada Buula-burte.
 
Dadka ku dhaqan Magaalada Beledweyne ayaa mar walba goob joog u ah maamulo is bad badalaya oo marba dhinaca gacan ku heynta Magaalada uu la wareegayo, taasoo marka dhinac laga eego aan u wagaasaneyn Nabad-galyada dadka rayid ah oo mar walba isha uun ku haya qolada badali doonta kuwa markaa jooga magaalada.
 
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]