Arbaco, September 30, 2009(HOL): Afhayeenka Golaha Shuurada Xisbul Islaam Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow oo shir jaraa’id qadka taleefoonka ugu qabtay Warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in haddii dagaal u dhaxeeya Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab uu ka dhaco Kismaayo uu wada sameyn doono dhamaan deegaannada ay labada ciidan ku wada sugan yihiin ee Soomaaliya.
Shiikh Ismaaciil Xaaji Caddow waxaa uu sheegay warar beryahan ka soo baxayay Magaalada Kismaayo ay ahaayeen in Xisbul Islaam uu kala doorto in uu raado Dowladda Soomaaliya ama Al-Shabaab ama uu Shacabka ka mid noqdo.
Afhayeenka Golaha Shuurada Xisbul Islaam ayaa sheegay in haddii dagaal lagu soo qaado Ciidamadooda ay iska difaaci doonaan, wuxuuna caddeeyay in aysan iyagu haatan diyaar u ahayn in weerar qaadaan.
Hadalka uu sii daayay Afhayeenkan u hadlay Xisbul Islaam ayaa wuxuu ku soo beegmayaa iyadoo saaka Afhayeenka Maamulka Magaalada Kismaayo oo hoostaga Al-Shabaab oo lagu magacaabo Shiikh Xasan Yacquub Cali uu iclaamiyay dagaal ka dhan ah Ciidamada Xisbul Islaam ee ku sugan gudaha Kismaayo.
Maalmihii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka jirtay xiisad u dhaxeysa Xisbul Islaam iyo Al-Shabaab, taasi oo salka ku heysa mustaqbalka Maamulka ka taliya Magaalada Kismaayo.
Wixii ku soo kordha Xaaladda Magaalada Kismaayo kala soco halkan haddii Alle idmo
Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya